Weerar Afka ah oo uu Ganacsade Ismail Ahmed ku qaaday Premier Bank – Eedeymo la xiriira nidaamka E-Visa Soomaaliya
Ganacsadaha caan ka ah deegaanka Somaliland, Ismail Ahmed, aasaasihii shirkaddii lacagaha caalamiga ah ee WorldRemit, ayaa weerar afka ah ku qaaday Premier Bank, oo uu ku eedeeyay inuu qayb weyn ka yahay nidaamka cusub ee E-Visa ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelisay.
Ismail Ahmed ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in ay mudaharaad iyo cunaqabatayn ku soo rogaan bangigaas, isaga oo ku andacoonaya in Premier Bank uu yahay hay’adda dhaqaale ee ka dambeysa mashruuca E-Visa oo uu sheegay in uu “dhib ku yahay dadka reer Somaliland.”
Qayb ka mid ah bulshada Somaliland ayaa si weyn u soo dhoweeyay hadalka ganacsadaha, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen arrin xasaasi ah oo siyaasad iyo dano ganacsi isugu jira.
Haddii mudaharaad ka dhan ah Premier Bank ka dhaco magaalada Hargeysa, arrintaas waxay noqon doontaa tallaabo muujinaysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu guuleysatay in ay maamusho hawada iyo nidaamka socdaalka guud ahaan Soomaaliya.
Eedeymaha la soo jeediyay waxay sidoo kale daaha ka rogeen fashilka siyaasiyiinta Somaliland ee muddo +30 sano ku guuldareystay inay gaaraan yoolkii gooni isu taagga, iyadoo dad badani u arkaan in mudaharaadyo noocan ahi ay muujinayaan is-bedel ku socda fikirkii gooni isu taagga.
Ugu dambeyn, weerarka uu Ismail Ahmed ku qaaday Premier Bank waxaa lagu fasiray in uu doonayo in qaybta Somaliland ee lacagaha fiisaha lagu ururiyo isaga loo dhiibo ama shirkado uu leeyahay. Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa aaminsan in haddii la diido shirkad Soomaaliyeed, inaanu joogsan doonin adeeggaasi oo ay shirkado shisheeye sida kuwa Imaaraadka deggan ay si fudud u qaadan doonaan , sida hadaba u qabtaan cashuuraha diyaaradaha hawada mara,
Doodda ka dhalatay hadalka Ismail Ahmed waxay muujinaysaa is dhexgalka ganacsi iyo siyaasad, halka ganacsatada qaarkood ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan go’aannada dowladda iyo nidaamyada cusub ee casriyeynta dalka