April 6, 2026

Garoomada Hub la lagalo muxu ka qabaa Sharciga FIFA

Qaanuunka FIFA iyo Amniga Garoomada Cayaaraha.

Garoomada ku badda cagta ee ku shaqeeya xeerka caalamiga FIFA, iyaga ayaa iskaleh qorshaha sugida amniga, maamulka garoonka iyo kooxda ayaana qorshahaasi wada-dajinaya, waxana loo tababarayaa ciidan gaara oo aan hubeesneen kuna dhaqmaya xeerka nabad-gelyo ee garoomada, booliska waa dibad joog wax shaqa ah kuma lahan amniga gudaha garoomada,

Sugida amniga guud ee magaalada iyo wadooyinka iyo garoonka hareerihiisa booliska magaalada ayaa iskaleh, gudaha garoonka iyo irdaha laga soo galana waxa leh waajibkaasi ciidanka sida gaarka ah u tabaran oo hoos yimaada maamulka garoonka si waafaqsan xeerarka xiirka cayaaraha,

Garoomada rabshadaha ka dhex dhaca waxa amnigooda sugaya ciidanka sida gaarka u tababaran ee aanan wadan wax hub ah, hadii ay arkaan cid hubeysan ama qatar ku ah amniga garoonka, cayaaryahanadada, maamulka iyo tageerayaasha ciidankaas ayaa waajibkooda ka gudanay, wixii masuul ah iyaga ayaa si gaara u sugaya amnigooda,

Waxa mamnuuc ka ah garoomada in la la soo galo hub sida “ Qori, Baskoolad, Bom, wax qarxi kara ama dab dhalin kara, mindi , ul iyo shey adag oo la tuuri karo” qof kasta ee lagu arko intaa degdeg aya loo qabanaya waxana lagu wareejinayaa Booliiska oo wadashaqeenayan, hadii cayaaraha caalami yihiin maxkamad qaran oo degdeg ayaa toos loo soo taagaya qofkaa ama kooxdaa,

Sababta waxa loo sameenaya ayaa ah in la sugo Amniga ciyaartoyda, garsoorayaasha, iyo taageerayaasha oo ah kuwa mudnaanta koowaad leh
FIFA waxay rabtaa garoomo ammaan ah oo la isku halayn karo.

Warbixintan soomaaliyeed ma quseeso maadaama aanu weli gaarin garoomo caalami ah oo ay ka dhaqan galeen shuruucda FIFA iyo caalamka, waana mida keeneysa in saraakiil hubeysani soo galaan garoonka iyagoo isku haleen kari waayay amniga magaalada iyagu masuuliyad ka saarneeyd iney sugaan,

Xasuusin: garoomada Muqdisho ciidan gaara waa ay leeyihiin, balse hay’adaha dowlada soomaaliya ayaa ah kuwa kala madaxbanaan hadana kala awood ah, hay’add kasta awoodeeda sharci waa inta la egtahay haybta qofka hogaaminaya , taas ayaa keeneysa shaqooyinkana kala xadidan la isaga gudbo midba mida kale,