Taliyaha Nisa ee Gobolka Gedo Abdirashiid Janan oo ay maanta ciidamada Jubaland kula dagaaleen Degmada Balad Xaawo gobolka Gedo ayaa arbaahinta la hadlay waxa uuna sheegey in ciidamadiisu isaga baxeen magaalada si loo dhowro nabadgelyada deegaanka iyo bulshada,
Dagaalkii saakay dhacay ee u dhexeeyay jubaland iyo dowlada faderaalka ayaa geestey qasaaro lixaad leh oo isugu jira naf iyo maalba, iyadoo dad badan isaga qaxeen Degmada kadib hub culus dhinacyadu isu adeegsadeen, dhimasho iyo dhaawac ayaana lasoo warinayaa,
Taliye Janan ayaa sheegey in dowladu halkan u timid dhismaha ciidamada xooga dalka ee gobolka oo dayacan sidoo kalena maamul wanaagsan in loo sameeyo dadka qorsho ah dowladu wadu ayuu tilmaamay, waxa uu se nasiib darro ku sheegey tallabadii maanta ee uu u Ahmed madoobe kaga horyimid ciidanka dowlada faderaalka soomaaliya,
Taliye Janan oo hadalkiisa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhaqaale lagu bixiyay sidii loo hurin lahaa colaad laga dhex abuuro dadka reer Gedo taasoo uu Ahmed Madoobe soo abaabulayo, masuuliyada isaga ayuu dusha ka saaray,
Imminka banaanka magaalada inuu usoo saaray ciidankiisa ayuu sheegey , hasse yeeshee waa markii Labad abdirahsiid janan iyo ciidamo uu hogaaminayo kusoo jabaan dagaal ka dhacay gobolka,
Sanadii 2020 sidanoo kale ayay Dowlada farmaajo geesey ciidan hubeesan kuwaasoo maamula Ahmed madoobe looga saarayay gobolka gedo hasse yeeshee janan oo la safan Ahmed madoobe ayaa halkaa kula dagaalay ciidanka dowlada faderaalka soomaaliya kaasoo markii dambe xoog looga saaray degmada balad xaawo oo uu cagahiisa uga baxsaday,
Maantana isaga oo dowlada faderaalka la socda kana soo horjeeda Ahmed madoobe ayuu maamulka jubaland ka eryaday degmada balad xaawo, waa taariikh isaga u gaara ahmedna lagu yaqaan,
Oktoober24