Degmada wadajir Xaafada buuloxubeey agaagarka boqol jiroow ayuu geelaan ku ruux baxay kadib markii uu qoorta la gelay geed talaal uu daaqayay,
Dhanka dowlada iyo gobolka ma jirto cid gargaar deg deg ah u fidisey neefkan sakaraadka ah, mana jiraan waaxyo qaabilsan ee loo yeeri karo hadii ay xaladahanoo kale yimaadaan,
Shaqsiga qowsaarka ah ee ilaalinayay geelaan oo ay dadka xaafada ka waceen telfoon lanbarka geela dushiisa ku qornaa waxa uu yiri anigaa imanaya, mana uusan imaan ilaa iyo hada,
saacado kadib ayay dadka xaafada ku wargeliyeen xaalada geela quus tahay, waxana laga codsaday in uu fasaxo in la qalo hilibkisa la xalaaleeyo, nasiib darro waa uu diidey maadama aanu isaga eheen milkiilaha geela, sidaas ayuu habeen hore ku ruux baxay, ilaa iyo caawana isagaoo bararay ayuu wadada yaalay neefkan baqtiyay,
Magaalada aad ayay ugu soo badanayaan geel iyo lo’a daaqaya wadooyinka caasimada iyo xaafadaha, sidoo kalena ma ahan mark ii ugu horeysay ee uu geel ku ruux baxo godad uu ku dhacay, dhowr jeer ayay boosaneeso kala duwan ku dheceen geel iyo lo’a kuwaasoo ugu dambeen ku ruux baxay halkaa,
Muqdisho, arinkan caadi ayuu ka yahay waana caasimad la jecelyahay,
Oktoober24