April 6, 2026

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ka horyimid shaqo ka joojintii Wasiirka Ciyaaraha – “Go’aankiisu waa waxba kama jiraan” Muqdisho

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ka horyimid shaqo ka joojintii Wasiirka Ciyaaraha – “Go’aankiisu waa waxba kama jiraan”

Muqdisho 03.11:25– Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed rasmi ah oo ay ku sheegeen in shaqo ka joojintii uu ku dhawaaqay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha aysan wax sharci ah lahayn, islamarkaana ay tahay “waxba kama jiraan.”

Guddigu waxa ay sheegeen in Xiriirka Olimbikada Soomaaliyeed uu yahay hay’ad madax-bannaan oo aan dowladeed ahayn, kuna shaqeysa xeerar waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ee Olympic Charter-ka, sidaa darteedna aanay Wasiirka hoos iman karin si toos ah.

Sababta khilaafka

Guddiga ayaa khilaafkaas ku sababeeyay isqabqabsi dhul ah oo la sheegay inuu ka dhashay dhismaha xarunta GOS, taas oo ay sheegtay hay’addu in ay iyadu dhistay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri:

“Wasiirka waxa uu naga codsaday in lagu wareejiyo dhulka iyo guriga aan deggannahay, balse markii aan diidnay, waxa uu soo saaray warqad uu kaga maarmay xaruntii Xiriirka Ciyaaraha Soomaaliyeed, dhulkii oo hadda laga iibiyay ganacsato, sida ka muuqata darbiga nagu dheggan ee la burburinayo.”

Guddigu waxa ay intaas ku dareen in talaabada Wasiirka ay tahay isku day dhul boob iyo faragelin toos ah oo lagu wiiqayo madax-bannaanida ciyaaraha qaranka.

Baaq loo diray madaxda dalka

Ugu dambayn, Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa baaq degdeg ah u diray madaxda sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Baarlamaanka, iyagoo ka codsaday in ay farageliyaan khilaafkaas, lana joojiyo damaca Wasiirka ee ay ku tilmaameen “mid aan sharci ahayn oo dhaawacaya sumcadda iyo jiritaanka ciyaaraha Soomaaliyeed.”

 

Khilaafkan cusub ee u dhexeeya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa soo shaac baxay xilli la filayo in la bilaabo diyaarinta tartamada caalamiga ah ee ay Soomaaliya ka qaybgaleyso.

Falanqeeyayaasha ciyaaraha ayaa ku baaqay in dowladdu xal degdeg ah ka gaarto, si aan murankan u saameyn sumcadda ciyaaraha iyo xidhiidhka Soomaaliya ee ururrada caalamiga ah