10-ka December, oo ku beegan Maalinta loo asteeyay xuska Qaraarka Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah, ayaa Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ansixiyay gudiga cusub ee xuquuqal insaanka, kaasoo ay soo xushay dowladda federaalka Soomaaliya.
Gudigan, oo ka kooban sagaal xubnood, waxaa ka mid ah toddobo qof oo horey u ahaa shaqaale dowladeed, kuwaasoo aan iska casilin xilalkii ay hayeen. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar kamid ah xubnahan ay galeen imtixaan aan sax ahayn iyagoo qaadanayay mushahar dowladeed, taasoo dhalisay buuq iyo muran xoogan oo ka dhex qarxay golayaasha ansixinta, iyadoo xoog iyo xoolo lagu marsiiyay.
Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay dhismaha gudigan:
1. Hufnaan la’aan iyo la socod la’aan bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqal insaanka: Xubnaha gudigu looma arko kuwo matala xuquuqda dadka Soomaaliyeed, waxaana suurtagal ah in aysan helin taageero caalami ah.
2. Adeegsiga gudiga u adeegista siyaasiyiinta: Iyadoo magaca gudigu yahay “madax-bannaan”, haddana waxaa la saadaalinayaa inuu u adeegayo danaha siyaasiyiinta iyo dowladda, halkii uu u difaaci lahaa xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
3. Awood la’aan ku aaddan ka hortagga tacadiyada: Tan iyo xilligii la xushay xubnaha, waxaa dalka ka dhacay tacadiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
• Kufsiyo ka dhacay gobollada dalka
• Toogasho shacabka lagu geystay
• Xarig sharci-darro ah
• Barakicin shacabka
• Faraxumeynta goobo waxbarasho
• Afduub dhalinyaro iyo cabsi gelin siyaasadeed
• Xiritaanka ganacsiyo iyo caburinta aragtiyaasha bulshada
Iyadoo Soomaaliya ka dhacayaan tacadiyadii ugu xooganayd ee ka dhanka ah xuquuqal insaanka, haddana gudigan ma awoodin inuu sameeyo baaritaano rasmi ah, sidoo kalena ma soo saarin warbixin iyo cambaareyn ku saabsan tacadiyada joogtada ah ee dhacaya. Xubnaha gudigu waxay u muuqdaan kuwo aan si madax-bannaan uga hadli doonin falalka dowladda, taasoo ka dhigan in gudigu u dhisan yahay difaaca siyaasiyiinta iyo dowladda federaalka halkii uu ka ilaalin lahaa xuquuqda shacabka.
In kasta oo dowladda ay ku doodday in xubnaha gudiga lagu soo xulay si waafaqsan sharciga, haddana caalamku waxa uu u arki karaa doorashadan mid aan hufanayn. Waxa kale oo la saadaalinayaa in hay’adaha xuquuqal insaanka ay ka diidaan aqoonsiga gudigan, sida hore u dhacday kadib markii 9 xubnood oo Soomaaliya u dirtay Barlamanka Bariga Afrika (East Africa Community) oo murun iyo buuq ka dhashay habka loo xulay xubnahaasi kusoo dhamaatay hakin/ maxkamada sare ee Cadaalada Bariga Afrika laba jeer dhageysatay eedaha loo soo jeediyay dowlada soomaaliya.
Dhismaha gudigan cusub ee xuquuqal insaanka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay hufnaan, korjoogteyn bulsho, iyo taageero caalami ah si loo xaqiijiyo in gudigu si dhab ah u ilaaliyo xuquuqda shacabka. Haddii arrimahan la tixgelin waayo, gudigan wuxuu u badan yahay inuu noqdo aalad difaaca siyaasiyiinta iyo danaha dowladda, sidoo kalena uu qayb ka noqdo dariiqa lagu xalaaleesan doono doorashooyinka boobka ee dhowaan la saadaalinayo.