Berri oo Jimce ah, cimiladu aad ayay u xumaan doontaa, waxaana la filayaa baraf xooggan oo ka da’a guud ahaan dalka Jarmalka, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah qaaradda Yurub.
Inkastoo magaalooyin badan digniino gaar ah loo diray shacabka, haddana meelaha ugu badan ee barafku ku xooggan yahay waa buuraha Alps, halkaas oo la filayo in barafku gaaro 15 ilaa 20 sentimitir.
Gobolka Bayern iyo koonfurta Jarmalka, magaalooyinka qaar waxaa laga filayaa 2 ilaa 5 sentimitir oo baraf ah, taas oo si weyn u carqaladeyn doonta isu-socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Dad badan ayaana laga yaabaa inay ku adkaato inay gaaraan goobaha shaqada iyo danahooda gaarka ah.
Dadka qaarkood, gaar ahaan kuwa shaqooyinka ka fog, berri waxay noqon kartaa maalin guryaha lagu nagaado. Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in dad badan aysan gaari karin salaadda Jimcaha, sababo la xiriira cimilada xun iyo waddooyinka oo baraf noqda