Hooyo ku nool Degmada Xamar Jajab ayaa oohin iyo cabasho la afka furtay kadib markii lagu wargeliyay in gurigeeda la duminayo. Hooyadan ayaa ka mid ah dad badan oo ku nool xaafado ka tirsan degmadaas, kuwaas oo alaabtoodii guryaha banaanka loo soo saaray, kadib markii ciidanka booliisku u sheegeen in xaafadda oo dhan loo asteeyay dumis.
Iyadoo murugo iyo jahawareer ay ka muuqato, hooyadu waxay tiri: “Aniga gurigan anaa iska leh, maxaa loo duminayaa? Maxaan galay, yaan dhacay, yaa iga gardaran?” Hadalladeeda ayaa muujinaya dareenka qof danyar ah oo aan garanayn sababta looga burburinayo hoygii ay ku noolayd iyada iyo carruurteeda.
Alaabtii ay ku noolaayeen qoyska ayaa banaanka taalla, iyadoo hooyadu cabasho u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Waxay ka dalbaneysaa in la joojiyo duminta guryaha shacabka, isla markaana loo naxariisto dadka nugul ee aan haysan meel kale oo ay aadaan.
Hooyadan ayaa sidoo kale sheegtay in gurigeeda uu qaatay Madaxweyne ku xigeen, ayna u aragto arrintaas mid ganacsi lagu beddelay dhul ay dad shacab ah degganaayeen. Sida ay ku andacootay, xaafadda Buurka Fardoole ee Degmada Xamar Jajab ayaa ah dhul danta guud ah oo ay dadku degganaayeen muddo ku dhow 30 sano, tan iyo xilligii xukuumaddii kacaanka.
Maalmahan dambe, dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa si isa soo taraysa uga cabanaya duminta guryaha laga dhisay dhul dowladeed, arrintaas oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha boqolaal qoys. Tani ma ahan markii ugu horreysay ee hooyooyin iyo dad danyar ah ay cabasho ka muujiyaan dhul-burburin ka dhacaysa xaafadaha caasimadda Muqdisho.