April 6, 2026

Hooyo Soomaaliyeed oo Deganaansho Ku Haysata Masar oo Lagu Celiyay Garoonka Muqdisho

 

Muqdisho – Hooyo Soomaaliyeed oo muddo ku noolayd dalka Masar (Cairo), isla markaana halkaas ku haysata deganaansho sharci ah, ayaa lagu celiyay garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho kadib markii ay isku dayday in ay safar dib ugu laabato Masar iyadoo ay weheliyaan labadeeda carruur ah.

Hooyadan, oo muddo ku sugneyd magaalada Muqdisho ayaa soo booqato hooyadeed iyo qoyskeeda, waxa ay sheegtay in ay heshay fariin ka timid odaygeeda oo degan dalka Maraykanka, kaasoo ka codsaday in ay si degdeg ah ugu laabato Masar si uu halkaas ugu soo booqdo xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Si kastaba, markii ay diyaaraddii qaadi laheyd usoo goosatay oo ay timid garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa saraakiil ka tirsan hay’adaha socdaalka iyo nabad sugidda u diideen in ay safarto, iyagoo ku sababeeyay in ay tahay “qof tahriib ah.”

Go’aankan ayaa la sheegay inuu saameeyay boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo u socday safarro sharci ah, oo ay ka mid yihiin:
• Arday u socda waxbarasho dalal shisheeye,
• Bukaan loo waday dalal caafimaad,
• Qoysas deganaansho sharci ah ku lahaa dalal kale.

Hooyadan iyo caruurteeda ayaa lagu soo waramayaa in ay muddo saacado ah ku xayirnaayeen garoonka, iyagoo ay ku adkaatay in ay helaan garab sharci ah ama cid u doodda.

Warbixinno kale ayaa muujinaya in ay ka mid tahay hooyadan in ka badan 3,000 oo qof oo baasaboorradooda laga qaaday garoonka Aden Adde, kuwaas oo dhowaan lagu soo bandhigay warbaahinta, balse aan weli loo celin.

Dadkaas ayaa sheegay in lagu cadaadinayo lacago laaluush ah, si loogu soo celiyo baasaboorradooda, taas oo keentay khasaare dhaqaale iyo niyad jab ballaaran.

Xaaladdan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo bulshada iyo ururrada xuquuqda aadanaha ay ku baaqayaan in la joojiyo xadgudubyada socdaalka iyo musuqmaasuqa ka jira garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.