Hooyo Soomaaliyeed oo 3 Caruur ah looga Qaaday Magaalada Bologna, Talyaaniga
TV Universal ayaa waraysi la yeelatay Fatxiya Cabdulaahi, hooyo Soomaaliyeed oo 3 caruur ah laga qaaday magaalada Bologna ee dalka Talyaaniga. Fatxi ayaa sheegtay inay dalka Talyaaniga joogtay 7 bilood kaliya, ka hor inta aysan ka cararin Jarmalka halkaas oo ay muddo 7 sano ku nooleyd isla markaana ku dhalay caruurteeda qaar.
Sida ay hooyadu sheegtay, booliiska ayaa ka qabtay xarun tareen oo ay iyada iyo caruurteeda ka raaci lahaayeen tareen geeya magaalada uu walaalkeed ku nool yahay Talyaaniga. Farxiya ayaa sheegtay inay Jarmalka ka carartay sababo la xiriira dhibaato, cadaadis iyo jirdil ay kala kulantay ninkii caruurta dhalay, kaasoo ku qabsaday ilmaha da’doodu tahay 9, 7, iyo 4 sano.
Hooyadan murugsan ayaa sidoo kale sheegtay in ninkeeda uu dhowr jeer dacwo ka gudbiyay hay’adda caruurta ee Jarmalka, isagoo ku eedeeyay inay caruurta kala baxsan rabto dalka. Farxiya ayaa dhankeeda ku adkaysatay in aysan garaneyn sababta caruurta looga qaaday, isla markaana aysan rumaysnayn in Jarmalka dacwada ka timid. Waxay sheegtay, “Waxaan ahay hooyo wanaagsan, daris fiican ayaan la leeyahay dadkii la daganaa Jarmalka, waligeyna la igama dacwoon.”
Fatxi ayaa sidoo kale xustay in muddo 7 sano ah ay si wanaagsan u korsatay caruurteeda intii joogtay Jarmalka, iyadoo had iyo jeer xushmad iyo xiriir wanaagsan la lahayd dadka deriska ah iyo bulshada ku hareereysan. Waxay tiri, “Daris ayaan ku lahaa, hala soo waydiiyo, waligeyna ma arag booliis ama hay’ad isku qabsata.”
Gabagabadii, Fatxi ayaa cadeysay in aysan rumaysnayn in ninkeedu dacweeyay, isla markaana ay ka xun tahay in hay’adaha caruurta Talyaaniga ka qaataan caruurta iyada oo aan sharaxaad buuxda laga helin sababta caruurta looga qaaday.
Xasusiin iyo aragtideyda gaarka ah, dadka qoysaska ah ee caruurta isku qabsada ha aaminaan in caruurtu ka dhaxeyso oo u simanyihiin, ha waara raadiyaan xal waara iyadoo la isqabo ama la kala tagay ayaa caruurta nabad iyo xalisooni kagu korin karaa, sidoo kalana dadka kula talinaya waalidka in caruurta dalal kale loo la baxsado Kawa waantoobaan, dhibaata ayaa kasoo gaari kara,
Si guud ogaada hay’adaha caruurta dhamaan dalalka dowladaha ka jiraan Wada shaqeen ayaa ka dhaxeysa hadii xogtaada lasoo helo meel kasta aad joogta maxkamad ayaa laga dacween karaa sidaas ayaad dambiile ku tahay caruurta Lagaga qaadi karaa waana laba dhibaato oo mar qura kugu dhacay, aaminaad dambe dhanka caruurta ah Waa ay kaa xumaanaysa,