April 5, 2026

Iimaan, Dhalinyaro ku dayasho mudan oo ka dhex iftiimay siyaasadda Jarmalka-Ebersberg-Bayern

Iimaan Xuseen Diinle, oo bishii aynu soo dhaafnay ee Maarso u tartamay mid ka mid ah kuraasta Doorashada Gollaha Deegaanka ee Ebersberg Landkreis, gobolka Bayern, ayaan maanta la yeeshay waraysi xiiso leh oo dhowaan halkan lagu soo bandhigi doono.

Siyaasi Iimaan waxa uu ka mid yahay dhalinyarada dhowaan soo galay dalka Jarmalka, hase yeeshee si degdeg ah uga dhex muuqday saaxadda siyaasadda dalka. Inkasta oo ay ahayd markii ugu horreysay ee uu tartamo, haddana waxa uu ku guulaystay kaalinta labaad ee kursiga , taas oo muujinaysa kartidiisa, dadaalkiisa, iyo kalsoonida bulshada uu kasbaday muddo gaaban gudaheed.

Intii uu ku jiray tartanka, Iimaan waxa uu si madaxbannaan uga qaybgalay doorashada,balse waxa uu si dhow ula shaqeeyay xisbiga Die Linke. Xisbigu waxa uu u soo jeediyay in uu mustaqbalka ku tartamo kaalinta labaad ee liiska kuraasta xisbiga, arrintaas oo loo arko fursad weyn oo uu ku sii xoojin karo safarkiisa siyaasadeed. Sidoo kale, haddii mid ka mid ah xubnaha xisbiga ee deegaanka Ebersberg uu baneeyo kursigiisa, Iimaan ayaa noqon kara qofka buuxin kara booskaas, taas oo sii kordhinaysa rajadiisa siyaasadeed. Waloow uu si toosa xisbiga ugu biirin waxa uu hoosta ka xariiqay tartanka uu indhaha u furay, rajaynaya in uu ku biiro xisbiyada waawayn ee himiladiisa la hirgelin kara iyadoo ahdaafta ay muhiim tahay,

Sheekada Iimaan waa mid xanbaarsan dhiirrigelin iyo horumar, isla markaana tusaale u noqon karta dhalinyaro badan oo ku nool Jarmalka, kuwaas oo qaar ka mid ahi aaminsan yihiin in nolosha dalkaasi ay adag tahay oo aan si fudud loola qabsan karin. Iimaan se waxa uu aaminsan yahay in uu cagta saaray waddadii wax looga beddeli lahaa siyaasadda dalka iyo horumarinta bulshada guud ahaan Jarmalka. Waxa kale oo uu rajo weyn ka qabaa in mustaqbalka uu ka soo muuqdo heer federaal.

Maqaallo kala duwan oo lagu qoray joornaalada afka Jarmalka ku baxa, kuwaas oo ka hadlay isaga iyo dadaalkiisii doorashada, ayaa muujinaya in siyaasadda dalkaasi ay tahay saaxad furan oo qof kasta oo dadaala uu kaga dhex muuqan karo.

Dhanka kale, Iimaan waxa uu hore isugu dayay siyaasadda Soomaaliya, isaga oo doonayay in uu ka mid noqdo Golaha Shacabka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in uu la kulmay caqabado culus, kuwaas oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa, laaluushka, eexda iyo qabyaaladda lagu qaybsado kuraasta. Waxa uu arrintaas ku tilmaamay mid aan habboonayn, isaga oo xusay in kursi loogu adeegayo bulshada aan lagu iibsan karin dhaqaale, isla markaana ay adag tahay in horumar laga filayo matalaad lagu helay lacag.

Inkasta oo Iimaan uu ahaa qofka keliya ee madowga ah ee asal ahaan Soomaali ah ee ka tartamay degmada Ebersberg, haddana waxa la aaminsan yahay in uu yahay Soomaaligii ugu horreeyay ee gobolka Bayern ka tartama doorashada gollaha deegaanka.

Ugu dambayn, waxa aanu u rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah. OKTOOBER-Media waxa ay si gaar ah uga mahadcelinaysaa waraysiga qiimaha badan ee uu nasiiyay.

Muqaalka Waraysiga Channelka Warbaahinta OKTOOBER ee YouTube ayaad ka daawan doontaaan dhowaan.

W/QKamal