Injineer lagu afduubtay muqdisho.
Injineer Nuur Cali Fooriyoow oo kamida injineerada soomaaliyeed ee dalka ka sameeyay nidaamka soolarka dhaliya korontada cadceeda laga dhaliyo ee ( solarsystem) ayay maanta ciidamada dowlada ka afduubteen degmada howlwadaag agagaarka suuqa BAKAARAHA kuwaasoo si qasab ah u diiwaangeliyay isagoon raali ka aheyn,
Injineerka oo hadlay ayaa bartiisa facebook ku qoray hadal quus ah oo uu ku cabirayo doorashada iyo diiwaangelinta qasabka ee dowlada soomaaliya ka wado Gobolka Banaadir, ayaa yiri;
“[ Col ku dhac Tuugane kuu ciidamisay ayaan maqlijiray, walee aduunyoy maxaa aragti kuu laban Diiwaangelintu qasab ma ahan, ? ]”
Gudoomiye doorashada Cabdikariin Axmed xasan oo dhowr jeer warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay inaanu jirin dad si qasab ah loogu diiwaangeliyay doorashada ka socata degmooyinka gobolka banaadir, hadaba injineerka oo sidaa yiri maxuu ku jawaabi doonaa,
FIIRO GAAR AH:
Afduubkan loo geysanayo shacabka muqdisho kunool ee xooga lagu diiwaanginayo waxa masuuliyadeeda iyo amarkeedu iskaleh gudoomiyaha Guriga doorashooyinka Abdikariin axmed xasan oo ah muwaadin heysta dhalashada baasaboor ka dalka Mareykanka, tacadiyadan iyo afduubkan ee uu geysanayo gudoomiyaha ha looga dacwoodo safaarada mareykanka ee ku leedahay xarunta xalane muqdisho,
Ogeysiis: cidii dooneysa xariirka iyo emailada saafarada US, hey’adaha xaquuqul insaanka ee u dooda dhibanayaasha, iyo waliba qareen kaa caawiya sharciga intaba waad nala soo xariiri kartaa adigoo isticmaalaya fariin qoraalka gaarka ah,
Injineerka in lasoo xiro oo markale laga qeylisiiyo waa suurtagal,
Oktoober