Warar soo baxaya ayaa sheegaya in isbaaro cusub la dhexdhigtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Adde, kaddib markii Dowladda Itoobiya ay cusboonaysiisay nidaamkeeda qaadashada baasaboorka iyo Kaarka ID muwaadinimada (mustaweqada).
Nidaamka Cusub ee Baasaboorka Itoobiya
Dowladda Itoobiya ayaa dhowaan casriyeysay baasaboorka dalkeeda, iyadoo qaybta xogta qofka ka dhigtay mid adag oo leh garbad adag (chip electronic ah) sida dalalka caalamka badankood. Tallaabadan ayaa qayb ka ahayd dadaal lagu xakameynayo baasaboorradii sharci darrada ahaa ee horey looga bixiyay hay’adda socdaalka Itoobiya.
Tallaabadan ayaa sababtay in kumannaan baasaboorradaas laga joojiyo isticmaalka, lana wadaago xogtooda booliiska caalamka (Interpol) iyo hay’adaha socdaalka garoomada ee xiriirka la leh Itoobiya.
Muddo soddon sano ah waxaa jiray Soomaali badan oo baasaboorka Itoobiya si sharci ah ama si aan sharci ahayn ku qaatay. Dadkan waxaa ka mid ah ganacsato, aqoonyahanno, iyo siyaasiin soomaaliyeed oo duruufo kala duwan u geystay inay qaataan baasaboorkaasi.
Baaritaan Dheeraad Garoonka Muqdisho
Kaddib markii ay soo baxday warbixinta sheegaysa in Itoobiya xayirtay baasaboorradii si khaldan loo bixiyay, hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan dheeraad ah oo lagu hubinayo dadka wata baasaboorrada Itoobiya. Baaritaankan ayaa lagu saleynayaa nidaamka PISCES iyo xogta Dowlada Ethopia usoo gudbisay booliiska caalamka Xafiiskooda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Agaasimaha Laanta Socdaalka ee Garoonka Muqdisho, Cartan Mohamed, uu amar ku bixiyay in si toos ah loo celiyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada Itoobiya, iyadoo aan la hubin sax ahaanshaha baasaboorrada musaafiriinta,
Dadka sita baasaboorka Ethopia, marka ay soo gaaraan garoonka Muqdisho waxa lagu wargeliyaa in baasaboorkoodu “aanu sax ahayn,” inkasta nidaamka PISCES uu oggol yahay marka hore in system la mariyo baasaboorka kadibna la fasaxo qof ka baasaboorkiisu ku jiro diiwaanka saxda ah, kuwa aan saxda ahayna laga reebo dadka,
Eedeymo Ku Aaddan Baadda iyo Musuqmaasuq
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka baxsan sharciga, waxaana la sheegay in ay ujeeddadeedu tahay in lacago baad ah laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada Itoobiya.
Sida xogtu tilmaamayso, qof kasta oo lagu arko baasaboorka Itoobiya waxa lagu qasbaa inuu bixiyo lacag u dhaxaysa $500 ilaa $1,000, si loo fasaxo. Dad badan ayaa lacago musuq ah sidan oo kale looga qaaday iyadoo cadaymahooda ina soo gaareen, arrintan ayaa noqotay mid cabsi badan ku abuurtay dadka haysta baasbaoorka ethopia ee isticmaala garoonka Muqdisho oo ay kooxo isbaaro dhigteen
Lacagaha Sharci Darrada ah ee Laga Qaado Dadka Musaafirika ah,
Tan iyo dhammaadka sanadkii hore, garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa lagu eedeeyay in lagu dhibaateeyo dadka Musaafirka ah ee wata baasaboorrada Soomaaliyeed ee si sharci ah fiisooyin uga helay dalal kale.
Dadkan ayaa lagu cadaadiyay in ay bixiyaan lacago u dhexeeya $300 ilaa $3,000, iyadoo lagu eedeynayo inay yihiin tahriibayaal. Dad badan ayaa lacagahan baadda ah bixiyay si safarkooda loo fasaxo.
Warbixinnada cusub ayaa muujinaya in isla kooxihii arrintaas ku lug lahaa ay hadda diiradda saareen dadka wata baasaboorrada Itoobiya. Ku dhowaad $35,000 ilaa iyo $40,000 ayaana lagu qiyaasay dhaqaalaha bil kasta kasoo xarooda isbaarooyinkan sharci darrada ah ee loo dhigtay musaafiriinta adeegaada Airport MUQDISHO,
Lacagahaas ayaa la sheegay in lagu shubo akoon gaar ah oo uu maamulo agaasimaha socdaalka ee garoonka, halka agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka lagu tilmaamay “saamilaha ugu weyn” isbaaradan aafeysay sharafka iyo sumcadda garoonka,
Cabashada Shacabka iyo Baaq loo Diray Dowladda Federaalka
Inkasta oo cabashooyinka shacabka ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamza Cabdi Barre, hadana ilaa hadda tallaabo muuqata lagama qaadin isbaarooyinka iyo baadda ka dhex taagan garoonka Aden Adde.
Booqashadii Madaxweynaha ee xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha weli ma aysan keenin isbeddel muuqda oo meesha ka saaraya eedeymahan culus.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si adag u codsanaya in La baaro dhammaan hay’adaha iyo shaqaalaha ka shaqeeya garoonka Muqdisho.
In La dhowro xeerarka socdaalka iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.
In La joojiyo baadda iyo isbaarooyinka sharci darrada ah ee hoos u dhigaya sumcadda dalka iyo amniga muwaadiniinta.