April 6, 2026

Isku shaandayn Gollaha xakuumada iyo hay’adda ha waawayn ayaa la..

Isbeddel Siyaasadeed oo Soo Socda:

Inkasta oo la filayay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dalka ku soo laabto koowda bisha soo socota, haddana soo laabashadiisa degdegga ah ayaa loo fasiray inay qayb ka tahay isku-shaandheyn kooban oo lagu wado in lagu sameeyo golaha wasiirrada.

Isbeddellada La Filayo:🫵

•🕣Xildhibaan Mahdi Guuleed
Waxaa la rumeysan yahay inuu noqon doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ama Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

•🕣Wasiir Warfaafinta Daa’uud Aweys
Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu bixi doono Wasiirka, inkastoo aan weli la xaqiijin imaanshaha wasiirkii hore Cabdifataax Qaasim, waxay dad badanI saadaalinaya in Cabdifataax uu buuxin doono booskaas,sidoo kalana xiligaan kala guurka meesha ka saari doono shaqada isxilqaame Wasiir Alcadaalada oo dhowaan afka ku dhuftay in uu saxiib layahay raisul wasaare Rooble oo ka mida mucaaradka xoogen ee Muqdisho , (Abaal)

•🕚Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu lugtay furi doono agaasimaha Socdaalka Mustaf Dhuxulow, kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu maanta kormeer ku tegay xafiisyada hay’adda, halkaas oo uu kusoo arkay musuq iyo maamul xumo muuqata.

Booskaas ayaa la saadaalinayaa in lagu beddeli doono mid ka mid ah saddex shaqsi oo labo ka mid ah kasoo jeedaan Ceelbuur, halka midka kale uu yahay Villada seedigeed “Hiiraan”,