April 7, 2026

Janaraal Odowa taliyaha CXDS xilka laga qaadayo iyo Janaraal Qaafoow ..

War wayn

Warar hoose ee villa soomaaliya kasoo baxaya ayaa sheegaya in Janaraal maxamuud maxamed Qaafoow loo magcaabayo taliyaha ciidanka xooga dalka kaasoo maanta looga yeeray villa soomaaliya,

Kadib dagaalkii looga soo baxay degmada aadenyabaal iyo gobolka shabeele dhexe Janaraal Odowaa iyo madaxweynaha dalka xasan Sheekh wada-shaqeyn iskuma qanacsaneen dhinacyada, hasse yeeshee qaraxii dhawaan lagu beegsaday Janaraal Odowaa ee uu ka badbaaday darteed ayuu isku casilayaa ayaa la leeyahay,

Sidoo kale Xafiiska Raisul wasaaraha ayaa hada shir degdeg ah looga dhawaaqay, waxana la filayaa in gollaha soo saari doonaan go’aano iyo isbedelo ku saleesan magacabis saraakiil sare ee ciidanka dowlada, taasoo lagu jaangoonayo xaalada siyaadada kacsan ee dalka,

Janaraal Qaafoow marka laga soo tago kaalintiisa ciidanka xooga dalka,waxa lagu xasuustaa doorashadi lasoo dhaafey in uu kusoo guul dareestey helida kursiga xildhihaan ee beeshiisa ee magaalada jowhar yiilay, taasina dad badan ayaa ku sheegay tanaasul loo sameeyay sanatar muuse suudi yalaxoow, maadaama beeshu labada kursi isku Wada-qaadan karin,

Magacaabistan janaraal Qaafoow ayaa lagu sheegey tahay Tallo uu soo jeediyay wiilka madaxweynaha gaashaanle Maslax Maxamuud oo ah shaqsiga gacanta ku haya malafka “sidee loo difaaci karaa kursiga xasan Sheekh” kadib mudo xileedkiisa may 2026,,

Insha Oktoober24