April 6, 2026

Kamil Abdi oo xoriyadiisa dib-u helay isagoon Cadaalad rasmiya helin !

 

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib u siisay xorriyadda Kamil Cabdi, kaasi oo muddo laba toddobaad ah si sharci-darro ah ugu xirnaa askar uu soo dirsaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab. Xarigga oo loo arkay afduub muwaadin ayaa dhacay iyadoo aan la haysan wax caddeyn ah, halka Taliyaha Qaybta Guud Macalin Mahdi “oo ii sii haay ninkan u xirtay kamil “ ayaa maalin walba ku wareejinayay saldhigyo kala duwan.

Xildhibaan Abduqaadir Cosoble ayaa dadaal badan ka galay sii dayntiisa, balse Taliyaha ayaa ku adkaystay inuusan Kamil bixin karin ilaa “Muungaab uu ka raalli noqdo”. Maxkamaddu markii ay dalbatay caddeymo, kooxdii afduubka geysatay way keeni waayeen, waxaana lagu amray in Kamil la sii daayo.

Inkasta oo xorriyaddiisa la helay, haddana maxkamaddu kama aysan soo saarin xukun ka dhan ah xarigga sharci darrada ahaa, mana soo bandhigin xuquuqdiisa lagu xadgudbay. Arrintan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Muqdisho kusoo badanayaan kiisaska afduub, hanjabaad iyo xarig sharci-darro oo lagu sameeyo muwaadiniin aan dambi lagu heyn

ii sii haay, ii xir, warwareeji kadibna iska fasax, cadaalada Soomaaliya