Deegaanka Goobo oo 25KM u jirta Degmada Maxaas ayay khawaarijta galabta la wareegeen kadib markii ka dul dageen dadka deegaanka oo aan wax dagaala kala hor tagin khawaarijta,
Goobo, waa deegaan looga arimoyo degmada MAXAAS, in muda ah beelaha xawaadle iyo habargidir ayaa isku dagaalayay iyadoo la isku hayo dhul daaqsin iyo ceel, galabta se Goobo cadowgii khawaarijta ayaa la wareegay, waxa ayna u arkaan Goobo deegaan wadooyin istaatiiji ah kulmiya kaalin muhiima u leh dagaalka,
Tallaabadan galabta ay qaadeen khawaarijta ayaa u muuqata mid qayb ka ah dhul balaarsigii lagu yiqiiney kooxda, kadib la wareegidii degmooyinka Maxaas iyo Moqokori oo ay horu dhac u aheyd soo faarujijtii degmada Aadenyabaal iyo saldhigii wayna ee ciidanka dowlada kulahaa g/sh/dhexe,
Sidey u muuqato, dhaqaaqan khawaarijta sameeyeen galabta waa mid ku guurijayaan ciidan xoogan oo weerar ku qabsan kara magaalooyinka MATABAAN, GURICEEL Iyo CADALLE, waana mid lamida tallaabooyiinkii hore u qaadeen kahor intaanu qabsan degmooyin badan kamid yihiin , Afarta Tuulo, Aadenyabaal, Maxaas, Moqokori iyo deenaano hoos taga,
Qatarta xoogan ee ka soo socoto dhaq dhaqaaqan khawaarijta wadaan, dowlada soomaaliya tallaabo ciidan dhaqso leh hakaga hor tagto , hadii kale ciidamadaasi waxay u muuqdaan kuwa ku dhufan doona sedexaas degmo, amniga caasimada iyo isu gooshka gobolada dalka dhexe,Hiiraan iyo muqdisho ayaana ah qorshaha khawaarijta,
Suurtagal ahaanshiyaha dagaalka khawaarijta iyo halka ku socdaan waxa lagu qiyaasayaa:
DEGMADA Matabaan %60 weeraraan,
DEGMADA Cadalle %30, weeraraan
DEGMADA Guriceel %10 weeraraan
Maxay kula tahay adiga ?
OkTOOBER