April 6, 2026

KIISKA: XAASKA HOR JOOGE ALSH-ABAAB LAYLO DIINI JAR-DHUUB XABAD

MAXAA KA BARAN KARNAA ?

Dhagar-Qabto: Kiiska Layla Diini Jardhuub

Layla Diini Jardhuub waxay ahayd haweenay xoola-dhaqato ah oo kasoo jeeda degmada Alkowthar iyo deegaannada u dhexeeya Masaajid Cali Gaduud. Nolosheeda ayaa sanadihii u dambeeyay noqotay mid ay si ba’an u saameeyeen gabood-fallo, qasab guur, marin-habaabin fikir xagjiran ah iyo cadaadis kaga yimid Khawaarijta Al-Shabaab. Kiiska Layla waxa uu tusaale u yahay dhibaatooyinka kooxda Khawaarijtu u geysanayaan qoysaska iyo haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul iyo dadka reer guuraaga ah.

Sanadkii 2019, qoyskeeda waxay ku qasbeen inay guursato Muuse Xuseen Tuur-yare, oo ahaa horjooge u qaabilsanaa Al-Shabaab dhanka marin-habaabinta dadka, kana soo jeeday isla gobolka. Muuse Tuur-yare waxa uu ku guuldareystay inuu Layla ku shubo afkaartii guracanayd ee uu doonayay inay qaadato. Cagajugleyn iyo cabsi gelin badan kaddib, waxa uu ka quustay, dalqadaheeda ayuu wajiga uga dhuftay.

Sanadkii 2020, iyadoo aan lix bilood ka soo wareegin furiinkeedii, ayaa mar kale si qasab ah loogu guuriyay Maxamed Aadan Nuur, horjooge kale oo kasoo jeeday gobolka Shabeellaha Hoose, una qaabilsanaa maskax-dhaqista shacabka Shabeellaha Dhexe.

Muddo sanad ah gudaheed Maxamed Aadan waxa uu ku guuleystay inuu Layla ku shubo fikirrada Al-Shabaab, taas oo gelisay khatar cusub. Waxa ayna u dhashay cunug, balse noloshoodu farxad ma aysan arag. Kadib Markii ciidamada Xoogga Dalka ka saareen Khawaarijta deeganno badan oo Shabeellaha Dhexe ah, lammaanaha ayaa kala firxaday — Layla waxay noqotay hooyo keli ah, halka seeygeedii uu u cararay duurka si uu naftiisa u badbaadsado.

Marka uu dagaalku xoogaystay, dowladda la wareegtay deeganno badan oo ay ka mid yihiin Alkowthar iyo Masaajid Cali Gaduud. Layla waxa ay ku qasbanaatay inay ka qaxdo deegaanka si ay u raadiso meel ammaan ah. Hase yeeshee, horjoogihii qabay ayaa dhagar cusub u maleegay: waxa uu kula taliyay inay Muqdisho degto, isagoo guri uga kireeyay degmada Gubadleey ee gobolka Banaadir, taas oo ahayd qorshe uu ku doonayay in la sii wado xiriirka iyo in Layla loo diro howlo amni-darro.

Muddo dheer, Layla waxa ay gudbin jirtay xog ciidan oo ay ka soo qaado Goobaha ciidanka dowlada fadhiyaan, iyadoo safaro u gali jirtay deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Ciidamada dowladda oo la socday wicitaannada ay la yeelanaysay seeygeeda ayaa ugu dambayn qabtay iyadoo u socda deegaanka Tooratooroow si ay halkaas ugu kulanto horjoogihii Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay duurka. kaddib sanado go’doon ah oo uu ku jiray gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo ciidamada dowladda ay saareen cunaqabateen adag oo xaddidaysay dhaqdhaqaaqa xaasaska Khawaarijta.

Intii baaritaannadu socdeen, Layla waxa ay qiratay in ay muddo dheer awoodi weysay inay u safarto Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud sababo la xiriira waddooyinka oo si adag loo ilaaliyo. Taas ayaa ku qasabtay horjoogihii inuu isaguba uga soo tahriibo Shabeellaha dhexe una soo fariisto Shabeellaha Hoose si uu Tooratooroow iyo deegaannada ku dhow Muqdisho ula kulmo xaaskiisa, xog ciidan na kaga soo ururiso farisimaha dowlada.

Ciidamada dowladda oo daba-gal ku hayay dhaqdhaqaaqiisa taleefan, ayaa qabtay Layla iyo wadihii bajajka ee uu soo dirsaday. Labadaba waxa la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada si ay u wajahaan eedeymaha ku saabsan xiriirka Khawaarijta iyo in ay xaas u noqotay horjooge Al-Shabaab ah.

Sanadihii u dambeeyay, Al-Shabaab waxa ay wajahayeen cunaqabateen dhaqaale, dabagal joogto ah oo lagu hayo xaasaskooda, iyo maxkamadeyn adag oo ka dhan ah dadka ka qayb qaata gurmadkooda ama u fududeeya dhaqaale. Tani waxay sababtay in kooxda ay ku adkaato taageerada bulshada, maadaama isku socodkooda la xaddiday oo la burburiyay shabakadahoodii xirfad-sameynta, halka taageerayaashoodana ay khatar ku noqotay dabagalka dowladda.

Kiiska Layla Diini Jardhuub waxa uu ka mid yahay guulaha laamaha amniga Soomaaliya ka gaareen burburinta isku xirnaanta shabakadaha gudaha iyo dibedda ee xaasaska Khawaarijta — oo hore u ahayd marin muhiim ah oo ay kooxda ku ilaaliso xiriirkooda gobollada.

Layla waa tusaale ka mid ah boqolaal haween iyo qoysas Soomaaliyeed oo lagu qasbo guur, lagu sameeyo maskax-dhaqis, loona adeegsaday howlo sharci-darro ah oo Al-Shabaab ku dhibaateeyaan shacabka. Qabashadeeda waxa ay muujinaysaa heerka uu gaaray dabagalka dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in bulshada lagu wacyigeliyo khataraha marin-habaabinta Khawaarijta.

Garaoorka dalka waajibkiisa si sax ah ayuu u gudanayaa, laamaha amniga shaqo wanaagsan ayay qabteen, balse hay’adaha wacyigelinta iyaguna dhinac kale haka wacyigeliyaan bulshada si looga badbaado dhalinyaro badan oo ay duufsadaan khawaarijta,

OKTOOBER24