April 6, 2026

Kormeer iyo Isbeddel Lagu Sameeyay Xafiisyada Socdaalka ee Garoonka Aden Adde, Muqdisho

Muqdisho – Wararka ka imanaya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde ayaa xaqiijinaya in dhammaan xafiisyada Immigration-ka ee ku dhex yaalla garoonka lagu kordhiyay shaqaale cusub oo ka socda hay’adaha Amniga iyo Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shaqaalahan ayaa lagu amray inay si dhow u hubiyaan qof kasta oo loo adeego, isla markaana ay su’aalo dheeraad ah weydiiyaan muwaadiniinta iyo ajaanibta safarka ku jira.

Tallaabadan ayaa timid kadib kormeerkii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhawaan ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Kormeerkaas ayaa sababay in hay’adda lagu eedeeyo musuqmaasuq, laaluush, iyo tahriib dad si sharci darro ah looga dhoofinayay garoonka Aden Adde.

Daba-socdka kormeerkaas, -ayaa muujinaya in maamulka hay’adda socdaalka iyo Maamulka garoonka Aden Adde Airport dhammaantood la hoos geeyay kormeer cusub, iyadoo maamulka dhaqaale ee garoonka lagu wareejiyay Agaasimaha Dakhliyada Qaranka.

Saraakiil ka tirsan garoonka oo aan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in nidaamka cusub uu abuuray khilaaf iyo cabasho, maadaama ay u arkaan in hay’ad mid kale si aan sharci ahayn u koontaroolayso. Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa yiri:

“Hay’ad kale in ay si toos ah amaro na-siiso waa arrin aan sharci ahayn. Luqadda saxda ah ee arintan lagu fasiri karo waa ‘Tuug baad tahay, kuma aaminaayo waxaad waddo,’ waa sida ay u muuqato in uu leeyahay Madaxweynaha.”

Si kastaba, tallaabadan waxaa lagu micneeyay isku day dowladeed oo lagu xoojinayo daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ka jira meelaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha dalka.

OKTOOBER24
Taariikh: 13 November 2025