April 6, 2026

KULAMO SARAAKIISHA AMNIGA AYAA GALABTA MUQDISHO KA QAB…

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Madaxtooyada, Gaashaanle Maslax, uu galabta kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee gobolka Banaadir.

Kulankaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray:

  • Xakamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta mucaaradka,
  • La socodka warbaahinta iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada,
  • Iyo dejinta qorshe cusub oo amniga lagu adkeynayo.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa arintaas u arka tallaabo muujinaysa cabsi siyaasadeed, halka kuwo kalena ay ku doodaan in ay tahay isku day lagu xaqiijinayo xasillooni amni maadaama dalka uu ku jiro xilli doorasho ku dhow.

Si kastaba ha ahaatee, bulshada ayaa isha ku haysa sida ay xaaladdu u sii socoto iyo sida madaxweynaha, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu guuleysan doono in doorashada la qabto waqtigeeda si nabad ah