April 6, 2026

Kulan dhex maray Hogaamiyaha Xisbiga DPC iyo Dhalinyarada

 

Kulan muhiim ah ayaa shalay Magaalada Nairobi ku dhexmaray Hogaamiyaha Xisbiga DPC Mohamed Aden Farkeeti iyo dhalinyarada taageersan xisbiga, kaasoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka soo socda.

Intii uu socday kulanka, Hoggaamiyaha xisbiga DPC ayaa ka hadlay baahida loo qabo in dalka laga badbaadiyo isgoyska halista ah ee uu marayo, isagoo ku baaqay in la adeegsado caqli saliim ah, wada-tashi iyo dhaqanka nabadda si loo sugo midnimo iyo xasilooni siyaasadeed ee dalka,

Sidoo kale, hoggaanka xisbiga iyo dhalinyarada ayaa isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo isbeddel dimoqraadi ah, si dalka loogu soo celiyo nidaam doorasho oo hufan, xor ah, isla markaana ka turjuma rabitaanka shacabka KGS,

Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorashooyinka la-filayo iney ka qabsoomaan Koonfur Galbeed, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in halkaas ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo aan lagu larin awood-maroorsi siyaasadeed ama faragelin shisheeye.

Ugu dambeyn, Xisbiga DPC waxa uu uga digay dowladda dhexe, hoggaanka waqtigiisu dhammaaday ee Koonfur Galbeed, iyo odayaasha dhaqanka, in aan mar kale la oggolaan doonin in shacabka gobolladaasi lagu qasbo shaqsiyaad dano gaar ah wata, kuwaas marka hore lagu keeno dabaabaad, kadibna isaga taga deegaanka iyagoo wax faa’iido ah usoo kordhin bulshada afartanka sano la daalaa dhacaysa amni xumo, horumar la’aan iyo siyaasad danayste,