Kulan si weyn loo qariyey ayaa ka socda Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Xildhibaan Jacfar Abuukar.
Warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kulanka uu ka yimid dhanka Madaxweynaha, isla markaana uu xildhibaanku galay Villa Soomaaliya abaare 5:00 galabnimo waqtiga Muqdisho.
Ilo wareedyadu waxay sheegeen in labada mas’uul ay wali wada joogaan gudaha Villa, inkastoo aan la ogeyn ujeeddada rasmiga ah ee kulankooda, iyadoo aan war rasmi ah laga bixin ilaa hadda.
Arrintan ayaa xiiso gelisay falanqeeyayaasha siyaasadda, maadaama kulamo noocan oo kale ah ay badanaa ka dhashaan go’aanno cusub ama xal u raadinta arrimo xasaasi ah oo ka dhex jira dowladda iyo Baarlamaanka.
OKTOOBER waxay sii wadaysaa dabagalka xogta kulankan iyo waxa lagu hishiiyay!