Dhacdadii naxdinta lahayd ee Hooyo Soomaaliyeed ku foolatay afaafka hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir waxay dhacday 19-kii October 2025, balse muddo dheer ayaa lagu dadaalay in aan la ogaan xaqiiqada dhacdadan, taas oo noqon karta fadeexad culus oo saameysa maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadka.
Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in maamulka isbitaalka uu si ula kac ah u amray in la tirtiro duubisyadii CCTV-ga ee taariikhaha 18, 19, iyo 20 October, kuwaas oo muujin lahaa sida hooyadaas loogu diiday adeeg caafimaad iyadoo foolanaysa. Tallaabadan ayaa abuurtay muran iyo caro xooggan oo ka dhex dhalatay shaqaalaha isbitaalka, qaar ka mid ahna ay diideen in lagu qariyo runta.
Si kastaba, bishii November 1-deeda ayaa la ogaaday in dad shacab ah ay duubeen muuqaalka dhacdada, taas oo dhalisay cabsi iyo isku day cusub oo maamulka iyo wasaaraddu ku doonayeen in ay xakameeyaan faafinta muuqaalkaas. Maamulka ayaa xitaa isku dayay in ay helaan qofkii duubay muuqaalka si loo aamusiiyo, balse dadaalkooda wuu fashilmay.
Laba maalin kadib, si ay u leexiyaan dareenka bulshada, maamulka isbitaalka ayaa bilaabay olole been abuur ah oo lagu sheegay in ay jiraan “goobo caruurta lagu soo xaaqo” si ay ugu marmarsiyoodaan fadeexadda. Kooxda la magac baxday Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa markaas loo diray inay soo xiraan qaar ka mid ah xarumaha gaarka loo leeyahay, taas oo dhalisay muran cusub oo bulshada dhexdeeda ah.
Xalay, muuqaalka dhabta ah ee dhacdada ayaa si buuxda loo sii daayay, taas oo meesha ka saartay inkiraadkii iyo marmarsiiyadii maamulka. Muuqaalka ayaa muujinaya hooyada foolanaysa oo la diiday in la siiyo adeeg caafimaad, halka ay sidoo kale muuqdaan shaqaalaha iyo goobta lafteeda.
Xeer ilaalinta Qaranka ayaa hadda si rasmi ah u wadda baaritaan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in mas’uuliyiin sare iyo wasiirro isku dayayaan in ay saameyn ku yeeshaan kiiska, iyadoo la sheegay in laaluush la bixiyay si hooyada iyo markhaatiyaasha loo aamusiiyo.
Dhanka kale, bulshada rayidka, ganacsato iyo siyaasiin taageersan hooyadaas ayaa bilaabay olole lagu doonayo in cadaalad loo helo, iyadoo lagu baaqay in la joojiyo isku day kasta oo lagu qarinayo runta