April 7, 2026

Maamulka cusub Wuqooyi Bari Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay Laascaano

LAASCAANO: 30:07:25 Shirweynihii lagu dhisayay dowlad goboleed lagu mideynayo dadka SSC-Khaatumo Iyo Maakhir ayaa lagu go’aamiyay in magaca Dowlad Goboleedka laga dhigo “ Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya”

Sidoo kale ergada shirka kasoo qayb galay ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Dastuurka Dowlad Goboleedka Wuqooi Bari soomaaliya, Calanka maamulka ( cagaar-buluug-cadaan-Xidig iyo faras) ka kooban, iyadoona lagu asteeyay xaduudaha maamulka, caasimada iyo xeerarka asaasiga u ah dowlad dhiska maamulkaasi cusub,

Wajiga hore Shirweynaha lagu dhisay maamulka Wuqooyi Bari ayaa caawa si nabad ah kusoo dhamaaday iyadoo dowlada Faderaalka dar dargelineyso dhamaan howlaha dardar gelinta dhismaha maamulkaasi iyadoo 417 ergay dadka deegaanka matalaya goob joog ka ahaayeen,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay bogaadineysaa tallaabadan muhiimka u ah ah ee lagu xoojinayo Federaaleynta iyo Dimoqoraadiyadda dalka, Sidoo kale in badan kamida bulshada soomaaliyeed ayaa boogaadiyay dhismaha maamulka cusub ee Wuqooyi Bari soomaaliya,

Dhanka kale maamulka Puntland iyo somaliland siyaasiin u hadlay ayaa arinkaas wax laga xumaado ku tilmaamay iyagoona dowlada faderaalka ku eedeeyay xadgudub ka dhan ah maamuladaas iyo dadka deegaanka oo faragelin khaawan lagu sameeyay ismaamul kooda gaarka ah,

Waxaasa loo gudbayaa wajiga labaad iyo sedexaad ayuu shirweynaha aadaya iyadoo xildhibaanada ergadu soo xuli doonaan waxana la filayaa dhawaan maamulkaasi soo doorto hogaankiisa kala duwan ee heer barlaman, madaxtooyo iyo gollo wasiiro, kuwaasoo guda geli doona dhismaha maamul lamid ah maamulada kajira soomaaliya ee qaybta ka ah dowlada faderaalka,

Oktoober24