Macawisleyda Xawaadle ayaa ku jira abaabul xoogan looga hortagayo dulaanka kooxda khawaarijta kusoo tahay degmada Moqokori oo ay soo dul dajiyeen ciidama xoogan kuwaasoo doonaya la wareegaan magaaladan istaraatiijiga ah,
Dhowaan ayay kooxdani soo qabsadeen deegaanka Ceel qooxle oo ah deegaan muhiim u ahaa dagaalka maadama isku xirto deegaano dhowr ah kamid tahay, Mabaax, Ceel hareeri iyo Moqokori,
Macawisleyda xawaadle oo naf iyo maalba u hureysa dagaalka ayaa isku dayeysa Degmada moqokori aanu khawaarijta soo gelin, hasse yeeshee ka bixista deeganada Ceelhareeri iyo ceelqooxle ayaa u muuqaneysa mid lumisey awooda iyo istaatiijiyada dagaalka, waxana aad u adag in lagu sii jiro maadaama difaaca iyo wadooyinka dgemada kala gooyeen khawaarijta,
Ceelqooxle waa degeegaan qiima weyn ugu fadhiya dad ka reer Hiiraan iyo Macawisleydu dagaalameysa, waa halkii uu ka dhacay dagaalkii ugu adkaa ee khawaarijta la la galo dhamaadkii sanadii 2022 kaasoo ku baxeen dad badan sharafkooda sifaacayay, waxana kamid ahaa Nabadoonkii weyna beesha Xawaadle Nabadoon Cilmi Hagar Guure,
Moqokoro in la difaaco istaatiijiyad ah hadii ay wadaan saraakiisha Macawisleyda iyo dowlada ogaada dagaalka waxaba kuma soonkordhin doonto waxna ma dhaameyso tii ceelhareeri lagu meel cidlaa kusoo dhamaatay, waxan qabaa in weerar lagu qaado ceelqooxle iyo Ceelhareeri taasoo hoos u dhigi karta abaabulka iyo awooda kooxda khawaarijta oo marba deegan muhiima soo kulaaleysa,
Dowlada Soomaaliya waxaynu ka codsan laheen dagaalka iney soo gasho taageero muuqdana ku bixiso dagaalka si looga adkaado kooxdan nabad diidka ah ee dadka iyo dalka dhibaateenaya,
Ogaysiis:
Sida hada wax ku socdaan waxba kama duwana dhacdadii Aadenyabaal looga soo kala orday, moqokori in la isku soo koobo istaatiijiyad ma noqon kareyso, sida ay sheegeen xeel dheerayaasha dagaalka , xalka waa in dib loo weeraraa khawaarijta ceelqooxle iyo ceelhareeri, hadii taas qorshuhu noqon aad ayay u adagtahay waxa kale ee isu kaliyeenta ah,
Dowlada dagaalka hasoo gasho, diyaaradana hakusoo darto,,
Oktober24