April 7, 2026

Madasha Mucaaradka Faahfaahin Rasmiya ka bixisey qodobada Miiska lasoo saaray, iyadoo Jubaland iyo Puntland….

Madashada Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeriya ka bixisey qodobadii looga hadlay kulankii maanta villa soomaaliya ku dhex marey Madasha iyo Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan sheekh,

 

Ambasadoor Dahir maxamuud Geele oo warbixintaan ka hor aqriyay Warbaahinta Madaxabanaan ayaa sheegay iney kulan aad u qiima badan maanta la yeesheen madaxweynaha jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya iyadoo weyhlinayaan Wasiiro kamida xakuumada kuwaasoo ahaa gudi madaxweynaha u qaabilsan wada-hadalada,

 

kulankan Galbnimada maanta soo idlaaday ayuu sheegey Ambasadoorka iney galeen aroornimadii saakay waxa uuna ku tilmaamay in uu ahaa mid looga hadlaayay sidii isfahan buuxa looga gaari lahaa qodobada ismaan dhaafka xoogan ka dhaliyay siyaasada soomaaliya, waxa uuna xusey in aad looga dooday qodobada hortabinta u leh geedi socodka dwoladnimada soomaaliya,

 

Amb, Dahir ayaa intaasi ku daray, ugudambeentii madaxweynaha iyo Gudiga shirka oo dhinac iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa isla gartay in laga doodo Afarta qodob ee aad ku aragteen warsaxafadeedii kasoo baxay kulankii maanta villa soomaaliya ku dhexmaray Madasha iyo madaxweyene xasan sheekh maxamuud,

 

Shirka jaraa,id ee madashu qabatay ayuu Amb, Dahir Geele ku faahfaahiyay qodobada laga wada-hadley maanta waxa uuna yiri, qodbada laga hihsiiney in Laga wada hadlo ayaa ahaa,

Sidii looga hishiin lahaa Arimaha Dhameestirka Dastuurka

Sidii loo qaban laha Doorahso toos ah oo hishiis lagu wada-yahay ,

Sidii wax looga qaban lahaa Arimaha Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada,

Sidii miiska wada-hadalada loogu soo celin lahaa Puntland iyo Jubaland (Midnimada Dalka )

 

Dahir Geele sifiican u faahfaahiyay qodobada waxa uu xusey in madashada samatabixinta soomaaliyeed loo xil saaray sidii u keeni lahaayeen dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland maadama meesha laga saaray qaar kamida waxyaabahii tabanayeen ee ahaa Dasturka iyo doorashada lagama hadlayo waa lama taabtaan, maadama ey doodu furantahay hada waa raadinaynaa waana u furan tahay tabashadooda dhiibtaan,

 

Ugudambeen waxa uu carabta ku dhuftay Ambasadoorka, waxa laga wada-hadlay maanta, sidii looga hishiin lahaa Ajendaha iyo qodobada la soo saarayo miiska wada-hadalka marka la isku soo laabto sedexda bisha, Afartaa qodobna ay yihiin kuwa miiska inoo saaran, si kasta ee u adagyihiin in la isla jeex jeexi doono oo aragtiyaha kala duwan la isku soo dhoween doono ayaan idiin soo qaadnay,

 

Ambasadoorka ayaa ummada soomaaliyeed ugu bushaareeyay in wado yiddi-diilo leh u fureen siyaasada dalka iyagoona soo qaaday Ajnede laga duuli karo, waxa uuna ku faraxsanaa in madashu soo qaaday masuuliyada sidii miiska wada-hadalka loo soo fariisin lahaa deegaanada maqan ee Jubaland iyo Puntland, waxa uuna balan qaaday in laga hishiin doono wax kasta oo lagu kala duwanyahay lana aadi doono doorasho la isku waafqsanyahay ,

 

Sacdiyo

www.OKTOOBER24.COM