April 6, 2026

Madax-jabis milyaaneer noqday ayaa loo magacaabay Taliyaha Dekada Muqdisho

Bismilaah:

Dowlada iyo Alsh-abaab ayaa ku hishiiyay dib-cashuurta Dekada Muqdisho looga qaado Ganacsatada Gobolka Banaadir !!

Magacaabista Taliyaha Booliiska Dekedda Muqdisho:

G/Sare Axmed Qadar Maxamed ayaa dhowaan loo magacaabay Taliyaha Booliiska Dekadda Muqdisho, kadib muddo laba sano ku dhow uu raadinayay in loo magacaabo Taliyaha CID-ka Soomaaliya, xilkaas oo marar badan uu u ololeeyay balse ay Villa Soomaaliya diiday.

Waa kuma Taliye Axmed Qadar Maxamed?

Axmed Qadar waxa uu ku dhashay kuna koray Xaafadda Suuqa Xoolaha – Degmada Heliwaa. Dadka yaqiinay yaraantiisii waxay ku sheegeen inuu kamid ahaa dhalinyaradii suuqa xoolaha hoojisay. Qiyaastii 2010 ayaa lagu waramay inuu ku biiray Al-Sh-abaab, gaar ahaan qaybtii madax-jabiska, kuwaasoo amarro adag kusoo rogtay degmada Heliwaa iyo xaafada Suuqa Xoolaha, waxayna xiligaa guryaha u qaybiyeen warqado cabsi-gelin “Fujiya nalka wadooyinka”.

Sanadkii 2013, markii ciidamada Militariga iyo NISA ay fulinayeen howlgal lagu joojinayay amar Shabaab ku faray shacabka in ay furaan nalalka wadooyinka, ayaa soo qabtay Axmed Qadar isagoo wata baskoolad 9-mm ah isla markaana Biyo Cabitaan ku iibinaya meel kasoo horjeeda Baar Jowhar, howlgalkaa dhaawac fudud ayaa ka soo gaaray. Waxaa loo qaaday Godka Jilicow. [ galka-Diiwaanka NISA ]

Xiligaa, Agaasimaha NISA ee waqtigaas – hada Wasiirka Gaashaandhigga – Axmed Macallin Fiqi ayaa isaga iyo xubno kale kasoo saaray Godka Jilicow kadib dhaawac-daweyn. Markii uu kasoo kabtay, waxa lagu daray ciidamadii xasillinta Muqdisho, balse markii dambe la kala diray ayuuna u gudbay booliska Soomaaliya.[galka-Diiwaanka C/ Xasilinta]

Kobaca Degdegga ah ee Darajo iyo Dhaqaale

Dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa siisay talisyo kala duwan, taas oo u sahashay magacaabista baraha kontaroolada Muqdisho. Intii uu xilalkaas hayay ayuu ku yeeshay dhaqaale degdeg ah:
• Waxa uu iibsaday dhowr boos dhul ah.
• Waxa uu dhistay guri dhowr dabaq ah oo ku yaalla wadada airport-ka – qeybtiisa ugu sarreysa oo uu ku dhisay qalab “bullet-proof” ah.[ Waaxda-dhul bixinta dowlada hoose Xamar ]

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore u sheegay: “Taliye dhalinyaro ah oo mushaarkiisu yahay $1,000 ayaa dhisanaya dabaq milyan iyo bar ku baxday.”

Sidoo kale, G/Sare Xijaar ayaa shan sano ka hor ku daray Axmed saraakiishii tababarka loo qaaday Rwanda, halkaas oo Axmed uu laba sano ku qaatay aqoon-kororsi. Qalin-jabintiisii waxa uu ticket usoo jaray kudhowaad 40 qofood Ruwanda kaga qayb qaaatay xaflad uu isaga sameestay, taliyahii hore booliiska soomaaliya Axmed Firin Sulub ayaana kamid ah dadka uu casuumay iyo saaxibo,[ Diiwaanka ciidanka Booliiska ]

Diidmada Villa Soomaaliya

Markii Madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu soo noqday taliska, Axmed wax xil ah lama siin. Waxa uu muddo dheer ku rajo qabay Taliyaha CID, xili uu watay wasiirro iyo xildhibaano dhowr ah. Taliye Asad Dhiyaano oo isku dayay inuu magacaabo ayaa Villa Soomaaliya u diiday sababo sharci:
• Qof Al-Shabaab kasoo goostay oo dhaqan-celin rasmi ah aan marin laguma aamini karo xafiis dambi-baaris sare.
• Xitaa dhaqan-celin ka dib, sharcigu ma ogola in loo dhiibo dadkaasi xilal sare sida Taliye Saldhig, iyo CID oo xasaasi ah.

Ugu dambeyn, kadib olole dhaqaale bixin ballaaran oo uu sameeyay waxa lagu qanciyay in loo magacaabo Taliyaha Booliiska Dekedda Muqdisho, iyadoo dowladu u aragtay meel aanu qatar amni ka imaan karin in la geeyay ninkaasi.

Cabsida Ganacsatada iyo Digniinaha Xildhibaanada

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa magacaabista ku tilmaamay “halis cusub”, maadaama dekedda ay tahay:
• Il dhaqaale oo ugu muhiimsan dalka
• Meel ay Sha-baab kusoo rogi karaan culeys dhaqaale oo qarsoon
• Goob ay ganacsatadu cabsi weyn ka muujiyeen amniga Ganacasigooda iyo xogtooda

Ganacsato aan la hadalnay waxay sheegeen:
• In khatar cusub ay ku soo korodhay dekedda
• In aysan jirin cid ilaalin karta amnigooda haddii xiriirro hore oo Sha-baab ahi jiro
• In tani keeni karto “kharashyo qasab ah” iyo hanjabaad jilibka kasoo yeerta,
• In kartoonta kasoo degta Dekada xogtooda toos loogu gudbiyo xafiisyada SHA-baab

Gunaanad: Su’aasha Caalamka

Sheekada Axmed Qadar Maxamed iyo kuwa badan oo xafiisyada dowlada lagu soo dhex qariyay ayaa la noqonay mid shacabku aad isku weydiinayo: “Xiriir intee la eg ayaa ka dhexeeya dowlada soomaaliya iyo Alsh-abaab”

Sidee caalamka loogu sheegi karaa in dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto argagixisada—haddii shaqsiyaad hore uga tirsanaa Shabaab loo dhiibayoo ilaha dhaqaale iyo amniga dekedda?

Ma la waayay dhalinyaro aqoon leh, oo aan Al-shaydaan ku biirin, mise Sheydaanka ayaaba maamula dowlada?

Nus malyuun lacag dayn ah ayaa dhowaan loogu shubay akoonka mid kamida murashaxiinta doonaya kursiga madaxweyene ee Galmudug , lacagahaasi waxa la rumeysan yahay in loo dhaqaayo kooxda khawaarijta, beesha caalamku su’aal ayay arinkaasi ka qabtaa, ee adiga ma aaminsan tahay in qof ehelkaaga ah uu u dhintay asalka lacagtaas?

Dowladu sha-baabnimeey u xirtay, una dhaawacday, iyaduu kusoo biiray, milyaneer ayuu ka noqday checkpoint muqdisho, hadana dekada Muqdisho ayuu cashuuri doonaa iyadoo dowladu kala shaqaynayso sidii Alsh-abaab dib-loogu bilaabi cashuurtii laga joojiyay,

Warbixintan waxa diyaarisay OKTOOBER24, iyadoo ilaalisay sawirrada, codadka, iyo xogaha xasaasiga ah.