April 6, 2026

Madaxweye Trump iyo Mw Putin ayaa la filayaa dhowaan kulmi doonaan,

Kremlin-ka aqalka looga arimiyo Ruushka ayaa xaqiijiyay in Trump iyo Putin ay ku heshiiyeen in ay kulmaan “maalmaha soo socda”.

Kulanka waxaa la sheegay in uu yahay mid ay codsatay dowladda Mareykanka, sida uu sheegay Yuri Ushakov, la-taliyaha Kremlin-ka.

Meesha uu kulanku ka dhici doono lama shaacin weli, balse warar badan waxay sheegayaan in la filayo in uu ka dhaco dalka isu-taga imaaraatka Carabta (UAE).

Kulankan wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah ee u dhexeeya madaxweyne Mareykan ah iyo madaxweynaha Ruushka tan iyo sanadii 2021.

Maxay Tahay Muhiimadiisu?

• Trump wuxuu horay u sheegay inuu doonayo in uu Ruushka ku cadaadiyo xabbad-joojin degdeg ah ee dagaalka daba-dheeraaday ee ka socda Ukraine.

• Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa muujiyay walaac ah in Ukraine laga saari karo miiska wadahadalka haddii Trump iyo Putin keligood kulmaan.

• Suuqa maaliyadeed ee Ruushka ayaa sare u kacay kadib markii la shaaciyay wararka sheegaya kulanka labada madaxweyene,

Gebagebadii, Kulanka Trump iyo Putin wuxuu noqon karaa mid si weyn u saameeya xaaladda dagaalka Ukraine iyo doorka Yurub ee wadahadallada nabadda. Lama oga in madaxweyne Zelenskyy laga qayb gelin doono kulankan ama haddii mustaqbalka uu jiri doono kulan saddex geesood ah (Trump, Putin, Zelenskyy).

OKTOOBER24