Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Abdi Nuur Maxamed Axmed, ayaa si kulul u weeraray hab-dhaqanka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan qaabka uu bulshada ula wadaago hadallada iyo ballamaha dowladda.
Abdi Nuur ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ku badatay ka hadlidda arrimo fara badan oo kala duwan, isaga oo ku tilmaamay in “Bluetooth u furan yahay,” taas oo uu ula jeeday in uu meelkasta ka hadlo, marwalbana ka falceliyo arrimo aan lahayn qorshe siyaasadeed oo cad.
Waxa uu sheegay in hadallada badan ee Madaxweynaha aysan lahayn miisaan siyaasadeed, isla markaana ay dhaawaceen kalsoonida shacabka. Waxa uu tusaale u soo qaatay ballamihii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhex sheegay masaajidda, kuwaas oo uu sheegay in intooda badan aan la fulin, taas oo sababtay in bulshada qaarkood ay bilaabaan inay ka maadsadaan hadalladiisa.
“Hadallada joogtada ah ee aan ficil la socon waxay keentaa in aan la dhageysan hadalka Madaxweynaha, ama loogu arko kaftan,” ayuu yiri Abdi Nuur, isaga oo ku adkaystay in hoggaamintu ay u baahan tahay qorshe cad iyo hadal kooban oo fulintiisu muuqato.
Markii wax laga waydiiyay eedaha ay warbaahinta qaarkeed u jeediyeen — kuwaas oo sheegay in xilligii uu xilka hayay Madaxtooyadu ay ku dhaqmi jirtay “muuqaallo horay loo duubay” oo loo diidi jiray su’aalaha tooska ah — Abdi Nuur wuxuu ku jawaabay in bulshada ay xaq u leedahay helitaanka warbixin, balse uu ku adkaystay in hadalka madaxda uusan noqon karin mid meelkasta laga yiraahdo.
“Hadalka madaxda waa in loo dhowraa sida cawro, waayo qalad kasta oo ka dhaca waxay dhaawici kartaa qaranka iyo dadka hoggaanka u baahan,” ayuu yiri.
Dhaliishan ayaa kusoo aadaysa xilli dood xooggan ay ka taagan tahay gudaha dalka, taas oo ku saabsan qaabka hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo sida uu bulshada ula wadaago ballamaha, qorsheyaasha, iyo xaaladaha siyaasadda ee dalka.