Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Wado Inuu Safar Gaaban Ku Tago Tanzania Iyadoo Dalkaas Ay Ka Socdaan Dibadbaxyo Rabshado Wata
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo booqasho gaaban oo uu ku tago dalka Tanzania, xilli halkaas ay ka socdaan dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay doorasho lagu eedeeyay in la boobay.
Inkasta oo safarka Madaxweynaha aanu ahayn mid rasmi ah oo dawladeed, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in booqashadaasi ay la xiriiri karto arrimo qoys iyo ganacsi oo gaar ah, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh uu ganacsi hore kula lahaa dalka Tanzania.
Xaaladda Kacsan ee Tanzania
Dalka Tanzania waxaa maalmahan ka taagan qalalaase xooggan, iyadoo shacabka mucaaradka ah ay ka mudaaharaadayaan natiijada doorashada, taas oo lagu dhawaaqay in madaxweyne Samia Suluhu ay ku guuleysatay 98% codadka, natiijo ay mucaaradku ku tilmaameen “mid aan macquul ahayn”.
Mudaharaadyada ayaa si gaar ah uga socda magaalooyinka Dar es Salaam, Arusha, Dodoma iyo Mwanza, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada milatariga iyo shacabka. Ciidamada ayaa la sheegay in ay ilaalinayaan xeryaha dowladda, xarumaha ganacsiga iyo bangiyada waaweyn, iyadoo laga cabsi qabo in ay gubaan dadka careysan.
Rabshado Horay U Dhacay
Shacabka ayaa hore u gubay garoon diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga dalka, iyagoo muddo saacado ah gacanta ku hayay garoonkaasi, kahor inta aan ciidanku dib u qabsanin.
Dadka mudaaharaadaya ayaa ku hanjabay in “aysan jiri doonin siyaasi dalka ka dhoofaya” haddii dowladda ay sii waddo caburinta, iyo in doorashada boobka ah aan la aqbali doonin.
Isgaarsiinta Iyo Saxaafadda Oo Xayiran
Muddo saddex maalmood ah ayaa internet-ka Tanzania gebi ahaanba la xiray, iyadoo aan la oggolayn warbaahinta gudaha iyo dibadda in ay si madax-bannaan uga warbixiyaan xaaladda doorashada.
Wararka soo baxaya waxay muujinayaan in dowladdu ay xirtay wariyeyaal badan iyo madaxda mucaaradka, halka qaar kalena ay dalka ka baxsadeen.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya
Inkasta oo Villa Soomaaliya aysan weli xaqiijin safarka, haddana ilo amni ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo booqasho aan rasmi ahayn, taas oo la xiriirta qoyska iyo maalgashiyada gaarka ah ee uu ku leeyahay Tanzania.
Safarkaasi ayaa dhici kara iyadoo xaaladda amni ee dalkaas ay weli kacsan tahay, taasoo dhalisay walaac ay muujiyeen qaar kamid ah la-taliyeyaasha amniga ee Madaxweynaha.
Haddii booqashadaasi dhacdo, waxay noqon doontaa mid xasaasi ah oo lagu dhaliilo, maadaama Tanzania ay hadda ku jirto xaalad muran siyaasadeed iyo rabshado ah.
Qaar kamid ah falanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Afrika ayaa qaba in booqashada noocan oo kale ah ay sababi karto fahfaahin khaldan oo diblomaasiyadeed, haddii aan si rasmi ah loo qorsheyn oo aan la tixgelin xaaladda amniga ee dalkaas.
Sidoo kale qaar kamida muacaaradka dowlada soomaaliya ayaa iyagana arinkaan ku tilmaamay inuu yahay dhaqan u gaara madaxda kalitaliska ah, waxa uu madaxweynaha dalka rabahadaha ka socda u tagayo waa in uu taageero u caalami u muujiyo doorasha boobkii ka dhacay dalkaasi Tanzania, wuxuuna ku raaxeysanaya dhiiga shacabkaa la daadiyay iyo siyaasiinta la caburiyay,
Siyaasigan mucaaradka ah kana tirsan xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa intaasi ku daray “ horta ogaada, Tanzania maaha soomaaliya, waa suurtagal in madaxweynaha soo baranayo sida doorashada loo boobo, laakin madaxweynaha waa ogsoonyahay shacabkan inaan la caburi karo, siyaasi soomaaliyeed la xiran karin, İnternet iska dhaaf oo shirkado ayaa leh oo ii Dami lama Oran karo sida Tanzania ,