Deg Deg, Ciidamada xeebaha Puntland ayaa isaga degay markab Turkiga laga leehahay oo ay maantadii hore fuuleen ciidanka PMPF-ta,
Baritaano hoose iyo xariiro kala duwan oo ayay OKTOOBER sameeysay ayaanu ku ogaanay, Markab kan laga leeyahay Turkiya uu ahaa markab sidey hub u badan gaadiidka gaashaaman kuna socday ciidamada ku xareysan xarunta TURKSOM ee Muqdisho,
Markab kan oo ku socday Dekada Muqdisho ayaa la sheegey dabeylo ku kaceen xalay saqdii dhexde isagoo maraya bartamaha badwaynta, dhanka xeebaha soomaaliya ayuuna usoo amni doontay, waxa uuna baroosinka dhigtey meelaan ka fogeen xeebaha Puntland inta dabeyluhu ka degayaan,
Kaluumeeysato ka baqatay markab kan oo saacado badan taagnaa xeebta ayaa wargeliyay ciidamada ilaaada xeebaha buntland qaybo kamida PMPF, dhowr doonyood oo kuwa dheereeya ah ayay ku gaareen halka markab ka uu taagnaa, wadahadal kadib qaar kamida ciidamada Puntland ayaa koray markabka, baaritaan guud sameeyeen kadib, Saraakiisha ciidanka taliska dhex ee Puntland ayaa lagu wargeliyay markabka iyo xogtiisa.
In lasoo kaxeeyo markabka ayay markii hore amreen saraakiisha sar sare ee Puntland, hasse yeeshee saraakisha Turkida ee markab ka watay ayaa ka cudur daartay iyagoona u sheegay, ineysan suuragal eheen markab xamuul noocana wado in la geeyo xeebo aan amnigiisa lagu haleen karin, saraakiisha sarre ee safaarada turkiya oo arinkan soo dhex galay ayaa madaxda puntland ku wargeliyay waxa ka socdo xeebaheeda iyo in lagu afduubtay markab Turksom u wada shixnad,
Ugudambeen ciidanka PMPF ayaa isaga soo degay markabka kadib amar sare uga yimid Puntland iyo xafiisyada sare ee dowladaha taageera ciidamadaasi PMPF Puntland,
Markabka bartiisa ayuu taagan yahay, wax dhibaato dhinacayada soo gaartay toona ma jiraan, dhowaana waxaa gaaraya maraakiib ilaalo ah oo ay NATO leedahay si loo sugo amnigiisa inta xaalku degaayo, sida uu ii xaqiijiyay sarkaal sare katirsan xarunta Turksom,
Oktoober24