April 6, 2026

MAXAA LOO ERYAY Janaraal Odowaa Yusuf Raage taliyaha ciidamada Xooga Dalka ?

 

Xogo hoose oo ay heshay OKTOOBER ayaa tilmaamaya in Villa Soomaaliya qorshaynayso in ay xilka ka qaaddo Taliyaha Xoogga Dalka, Janaraal Odowaa Yusuf Raage, kadib markii madaxda sare ee dowladdu ka muujiyeen kalsooni darro siyaasadeed iyo wadashaqeyn xumo oo u dhex martay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in isbeddelka la qorsheynayo uu ku yimaaday laba sababood oo waaweyn:

1. Xiriir hoose oo lala rumeysan yahay inuu dhexmaray Odowaa iyo Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, oo dhawaan kusoo laabtay Muqdisho, taas oo keentay tuhun siyaasadeed oo Villa Soomaaliya ka abuurmay.

2. In Janaraal Odowaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay ciidamadii milatariga ahaa ee dhashiikaha watay oo ka horyimid cutubkii loo xil-saaray burburinta guryaha iyo barakicinta shacabka ku nool Villa Baydhabo – Buuloxuubeey, halkaas oo taliyeyaasha fulinta howlgalka, Macallin Mahdi iyo Yaasiin Ganeey, ay Villa Soomaaliya ku wargeliyeen in ay adkaatay in xoog lagu saaro ciidamadii dabaqyada kor ka difaacayay.

Arrimahan oo si weyn uga careysiiyay Villa Soomaaliya ayaa sabab u noqday go’aanka laga gaaray in Janaraal Odowaa xilka laga xayuubiyo, iyadoo la filayo in la magacaabo taliye cusub oo aan weli magaciisu bannaanka imaan.

OKTOOBER hore ayay u shaacisay in Taliyaha Haramcad, Kornayl Fanax, shaqada laga joojiyay kadib markii la ogaaday kulan uu habeennimo la yeeshay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif—taas oo ugu dambeyntii keentay in xilka laga qaado.

Warbixinaha hadda jira ayaa muujinaya in Janaraal Odowaa uusan bishan dhamaysan doonin xilkiisa, isla markaana Villa Soomaaliya ay durba ku jirto diyaar-garowga magacaabista hoggaamiye cusub oo beddela.

Culeeska villa soomaaliya dareemeysa ayaa noqonaya mid siyaasadeed weligii soo jirey hasse yeeshe arimaha dhulka ayaa noqonaya culees kale oo cusub oo ay dowlada xasan sheekh eersanayso xili kala guurkan,