BARITAAN MADAX-BANAAN:
MAXAA LOO SOO XIRAY GURYAHA UMULISOOYINKA XAAFADAHA ??
Ku Socota cid kasta oo masuul ah.
Ugu yaraan 50 carruur Soomaaliyeed ayaa siyaaba kala duwan bil kasta ugu geeriyooda Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ( Dhalmada, Nafaqa daro ). Sidoo kale, qiyaastii in kabadan 6 hooyo ayaa bil kasta ku umul raacata xilliga foosha isbitaalkan.
Ilaahay baa ku dhaartay Aniga, Kamal ah, laba bilood ka hor waxa ila soo xiriiray qof qaraabadayda ah, oo iga codsaday in aan bixiyo qaaraan lagu leeyahay hooyo lagu xiray isbitaalkaas. Hooyadaas ayaa lagu haystay lacagtii ay ku umushay intii ay isbitaalka ku jirtay. Waxa iga argagixiyay markii aan ogaaday in loo diiday inay gurigeeda aado, maadaama aysan awoodin inay bixiso $200, kaaga darane canugeedu waa uu saqiiray iyadoo isbitaalka joogta,taas ayaa keeneysa in maamulka go’aan ku gaaray inaan la qaban bukaan aanan la socon cid lacagtiisa bixin karta,
Dhacdadii dhowaan ka dhacday afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir ee muuqaalka cadaynta ah laga duubay, waxa sababsatay dhaqaale la’aan, hooyadan qaaraan keeda la isoo waydiiyay waxa loo xirtay Lacag la’aan iyagoo jooga isbitaal dowli ah deeqa caalami ah hela,
Bal is weydii:
• Xaaska nin xamaali ah oo shaqo maalmeed ku nool, haddii ay isbitaalka Banaadir tagto, cid qaabilaysa ma jirtaa?
• Xaaska askari furinta ku sugan, ama hooyo garoob ah oo uur leh, yaa daryeela?

•Isbitaal Bilaash Ah Ayaa loo bedelay Mehrad Ganacsi shaqsi leeyanay.
Ka hor inta aan adeegyada dhalmada isbitaalka Banadir lacag laga dhigin Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka wuxuu ahaa mid sanad walba u adeegayay in ka badan 200,000 hooyo soomaaliyeed isaga kala yimid gobolada kala duwan ee dalka,
Warbixinta caafimaad ee sanadlaha isbitaalka Banadir:
sanadii 2023 waxa loo adeegay 210,000 bukaan , sanadii 2024 waxa loo adeegay 160,000 Bukaan,
Sanadkan 2025/Oct waxa loo adeegay 150,000 Bukaan,
Hoos u dhaca bukaanaada isbitaalka Banaadir ku yimid sanadaha 2024/2025, ayaa sabab u ah dhaqaalaha lasoo rogay oo ay ka carareen dadka shacabka ee aan awoodin bixinta dhaqaale ee bukaanka lagu soo dalaco, Arrintaas ayaa sababtay in dadku u leexdaan MCH-yada xaafadaha, iyo guryaha dumarka umulisada oo ah adeeg qiima jaban,
Si kastaba ha ahaatee, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, ku dhowaad 200 MCH oo ku yaallay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la xiray, kadibna la xaraashay dhulkii ku fadhiyeen kadib markii Wasaarada caafimaadku sheegtay in laga maarmay dhulkaas, Balse xaqiiqdu waxay tahay in maamulka isbitaalka iyo wasaaradda Caafimaadka ay doonayeen in bukaanada cararay lagu qasbo inay tagaan Isbitaalka Banaadir si looga helo dhaqaale xoogan. Hasse yeeshee qorshahaasi ma shaqeen,

Dadkii Isbitaalka Ka Cararay oo U Laabtay Guryaha XAAFADAHA Umulisada.
Maamulka Isbitaalka Banaadir, oo filayay in bukaanadu kusoo qulquli doonaan, wuxuu la kulmay layaab markii uu arkay dadkii oo u guuray guryaha umulisada ee xaafadaha,meelahaas oo dumarka lagu dhaliyo lacag yar ama bilaash ah. Xitaa Dayn la ogol yahay,
Isbuucii hore, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka oo xafiis ku leh Isbitaalka Banaadir ayaa qaaday weerar ka dhan ah umulisooyinka guryaha ku shaqeeya, waxayna hore u kexeesteen ciidamo hubeysan oo boolis ah, halkaas hooyooyin masaakiin ah oo xaamilo ah, qaarkood la umulinayo ayaa loogu tagay waxana la amray in la xiro xarumahan,
Xoghayaha golaha, Adow, iyo Afhayeenka booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in ay “soo arkeen guryo carruur/uur lagu soo xaaqo,” taas oo loo fasiran karo in maamulka isbitaalka BANADIR uu cadaadis saarayo bukaanada dib loogu soo jeediyo isbitaalka loogana qaado lacago. Waxayna ahayd gef iyo dulum cad oo loo geestay hooyooyin soomaaliyeed iyo umulisooyin ah , ka aqoon iyo khibrad badan kuwa isbitaalada jooga, maadaama caruur badan gacantooda ku saqiirin Marka loo eego shaqaalaha isbitaalka oo geesta tacadiyo xoogan oo tiro beel ah,

“Guryo ayay soo xireen , isbitaalkana kaa kasoo eryayaan, “ muxuu yahay qorshaha ?
1-Isbitaaladii dowlada ee bilaashka ahaa lacag ayay ka dhigeen,
2-MCH-yadii hooyada dhalaanka ee bilaashka waa soo xireen
3-Dhulkii MCH yada waa la soo xaraashay
4-Guryaha umulisooyinka waa lasoo xiray
Intaasoo dhibaata ah waxa shacabka Gobolka Banadir loogu geesanayo waa dhaqaale leexsi, masuul iyo shacab waa isaga aamuseen, aqoonyahan iyo siyaasiga jeebka ayaa loo buuxiyay,
,
XASUUSIN:
Waqtigii dagaallada sokeeye, hooyada Soomaaliyeed ee uurka leh looma diidi jirin adeeg caafimaad. In kasta oo nafaqada iyo dawooyinka ay yaraayeen, hadana masuuliyiinta caafimaadka Isbitaalada aka guryaha umulisada waxa ay ku dadaali jireen badbaadinta nolosha hooyada iyo ilmaheeda.
Maanta shacabka Gobolka Banaadir waa cashuur bixiyeyaal %88 hadana hooyo Soomaaliyeed oo uur leh ma heli karto adeeg bilaash ah.Waxaa intaa dheer, qaar ka mid ah hooyooyinka ayaa lagu eedeeyay iney iska soo xaaqayaan caruur “wacalo” ah kadib markii ay adeeg jaban u raadsadeen Xaafadaha, halka isbitaalada deeqihii caalamiga iyo miisaaniyaddii dowladeed lagu lunsaday aanu ku qaabileen,
FIIRO GAAR AH…..
Waxaan dhowaan soo bandhigi doonaa faahfaahinta dhaqaalaha iyo deeqaha soo gala Isbitaalka Banaadir
adiguna waxan kaa sugayaa inaad ii sheegto halka ay ku xareeyeen iyo halka loo isticmaalay.
Share garee
Warbixinada dabagalka OKTOOBER24