April 6, 2026

Maxaa sababay Geerida Saqiir lagu Umulay Afaafka Hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee BANAADIR ?

 

Baaq Cadaalad iyo Isla Xisaabtan

Muqdisho – Dhacdo murugo leh ayaa caawa gilgishay bulshada Soomaaliyeed kadib markii hooyo Soomaaliyeed ay ku umushay afaafka hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee gobolka Banaadir, halkaas oo saqiirkii ay dhashay uu geeriyooday.

Wararka iyo muuqaallo laga duubay dhacdadan ayaa muujinaya hooyo lagu umulinayo bartamaha waddada hortiisa isbitaalka, kaddib markii la sheegay in maamulka isbitaalka uu dibadda usoo saaray sababo la xiriira dhaqaale la’aan.

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ayaa ah xarun ay dowladdu bixiso miisaaniyad joogto ah, isla markaana ay taageeraan hay’ado madaxbannaan, oo ay ka mid tahay Salaam Foundation, taas oo bixisa kharashaadka korontada iyo deeqaha ardayda tababarka u jooga isbitaalka – kharash lagu qiyaasay $80,000 ilaa $110,000 bishii.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ayaa bixisa mushaaraadka buuxa ee shaqaalaha rayidka ah, halka kuwa aan rasmiga ahayn ay helaan gunno dhan $400 bishii. Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxday in adeegyo muhiim ah oo loogu talagalay dadka saboolka ah, sida adeega kilyaha lagu dhaqo ee ay dowladda Saciid Oga inoogu deeqday, ay noqdeen kuwo lacag lagu bixiyo, inkastoo hore loogu qorsheeyay in ay noqdaan bilaash.

Sidoo kale, qaybta Hooyada iyo Dhallaanka oo horey loogu adeegayay si bilaash ah, ayaa hadda lagu soo rogay kharash lacageed, arrintaas oo keentay in hooyooyin badan la diido, qaarna caruurtoodii ay ku waayaan daryeel la’aan.

Geerida saqiirka iyo dhibaatada hooyadaas waxay calaamad u tahay xaaladda liidata ee nidaamka dowlada gaar ahaan caafimaad dalka. Booqasho Raisul wasaare, sawir iyo ballanqaad siyaasadeed ma noqon karaan xal, balse waxaa lama huraan ah in:

1. Maxkamad la soo taago cidda ku lug lahayd dhimashada saqiirka, gaar ahaan maamulka isbitaalka ee hooyada dibadda u saaray.
2. La eryo maamulka isbitaalka ee soo rogay lacagaha sharci darrada ah.

3. Wasaaradda Caafimaadka laga dalbado in dib loo soo celiyo siyaasaddii adeega bilaashka ahaa ee loogu talagalay hooyooyinka umusha ah.

Bulshada Soomaaliyeed waxay si mideysan u dalbanayaan cadaalad iyo isla xisaabtan dhab ah, maadaama nolosha ilmaha dhintay ay astaan u tahay dhibaatooyin ka baxsan hal isbitaal oo keliya.

“Raiisul Wasaaraha waa in uu muujiyo awoodda dowladdiisa – haddii uusan tallaabo cad qaadin, waxay muujineysaa in uusan awoodin inuu xisaabiyo cidda masuulka ka ah dulmigaas,” ayaa si wadajir ah ugu baaqayaan,