OKTOOBER-Investigations
Su’aashu waxay leedahay labo jawaab oo muuqda:
1. Awood-Qaybsi Qabyaalaysan
Talisyada waxaa lagu qaybiyaa “beel baa rabta” halkii laga eegi lahaa xirfad, tababar, iyo anshax ciidan. Qabiilka ayaa ka awood batay qarannimada.
2. Cadaadis Siyaasadeed
Xildhibaanno, siyaasiin iyo odayaal beeleed ayaa dowladda ku qasba magacaabista shaqsiyaad iyaga u shaqeeya – xitaa haddii ay hore u ahaayeen Al-Shabaab. Dowladda awooddeeda ma adeegsan karto si ay u dalbato saraakiil aqoonta leh.
Sidee Ku Dhacay In Talisyada Ay Qabsadaan Rag Soo Goostay?
In kasta oo 97% ciidanka lagu sheegay tababarayaal haysta xirfad ciidan, haddana tirada yar ee soo goostayaasha ayaa leh talisyada ugu muhiimsan. Taasina waxay keentay:
• Ciidan aan nidaam ku dhisnayn
• Jab joogto ah oo ka dhacaya furimaha
• Magaalooyin amnigoodu daciif yahay
• Qaraxyo soo noqnoqda oo aan laga hortagi karin
Haddii cadowgii shalay uu maanta hoggaaminayo ciidankii dagaallamayey, waxaa muuqda khalad siyaasadeed oo weyn.
Xalka La Waayay Maxuu Sal u Leeyahay?
Dhibaatada amniga ma aha mid ka timid tababar la’aan ciidan, waa mid ku dhisan fashilka siyaasadda magacaabista saraakiisha:
• Kuwo AS hore uga tirsanaa
• Mooryaan aan aqoon lahayn
• Qabiil lagu keenay
→ Ayaa loo dhiibaa talisyada sare.
Ilaa nidaamkan la jabinayo, amni sugan lama helayo.
Maxaa La Gudboon?
• In dhalinyarada aqoonta leh fursad la siiyo.
• In laga gudbo awood-qaybsiga qabiilka.
• In la joojiyo taliska lagu abaalmariyo shaqsiyaad hore cadow u ahaa.
Dhibaatada maanta taagan waa mid ka dhalatay gorgortan siyaasadeed, ee ma aha mid ka dhalatay “ciidan la’aan