April 6, 2026

Maxay tahay halista Amni ee kasoo socata Hawada Soomaaliya ee la siyaasadeeyay ( e-visa )? SOMALILAND

 

Waxaa soo ifbaxaya halis amni oo ka dhalan karta khilaafka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya, taas oo bishii itsicmaalaan ku dhowaad 240 duulimaad caalami ah oo sida rakaab kala duwan oo isaga kala goosha qaaradaha dunida.

Duulimaadyadaasi ayaa kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kala duwan ee dalka, kuwaas oo aan lahayn ilo dhaqaale oo kale oo muuqda oo si madax-bannaan ay ugu tiirsanaan karaan.

Khilaafka Ka Dhashay E-Visa-da

Muddo laba bilood ah waxa socday buuq iyo isqabqabsi ka dhashay e-visa ay soo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo diyaaradaha caalamiga ah ku khasabtay in ay qaataan fiisooyinka online-ka ah ee ay bixiso hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhalisay cabasho iyo caro ka timid shacabka iyo maamulka Somaliland, kuwaas oo muddo wajahayay culeys ka dhashay in diyaaradaha caalamiga ah ay rakaabka ka dalbadaan e-visa. Iyagoona ku qaabanaaday bixinta laba lacaagood Visa ah,

Ugu dambayn, maanta oo ay tahay 2-da Nofeembar, maamulka Somaliland ayaa soo saaray amar adag, kaas oo lagu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha in laga bilaabo 10-ka bishan, diyaaradii rakaabka Somaliland weydiisa e-visa lagu mamnuuci doono hawada maamulkaas, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Sababta Dhabta ah ee Dooda Keentay

Warqadda kasoo baxday Somaliland ayaa daba socota digniin ay 31-kii bishii hore dowladda federaalka u dirtay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, kadib markii ay soo baxday xog muujisay in shirkadda Fly Dubai ay qaaday rakaab wata basaboorrada ajnabiga ah oo aan e-visa soomaaliya kasoo qaadan dalalkii ay kasoo duuleen,

Kadib eedeyntaas, shirkadaha diyaaradaha ayaa bilaabay inay si dhaba u fuliyaan amarka dowladda federaalka, iyagoo 1-da Nofeembar bilaabay in si buuxda loo weydiiyo rakaabka e-visa Soomaaliya. Tallaabadan ayaa si weyn uga careysiisay maamulka Somaliland, taas oo keentay in dhammaan shirkadaha diyaaradaha lagu wargeliyo inay ka waantoobaan fulinta amarka dowladda federaalka.

Amarka Ma Dhaqan Gelayaa?

Su’aasha la isweydiinayo waxay tahay: amaradan isdiidan ma dhaqan geli doonaan mise waa kuwo siyaasadeed oo keliya?

Dhab ahaantii, labada dhinacba amaradooda meelaha qaar way ka dhaqan gelin karaan:

•Dowladda federaalka waxay awood u leedahay in ay xakameyso hawada Soomaaliya oo aysan oggolaan diyaaradaha aan u hoggaansaneyn xeerarkeeda.

•Somaliland-na waxay awood u leedahay in ay diido diyaaradahaas inay ku soo degaan garoomadeeda.

•Sidoo kalena maamulka somalialnd waa uu awoodaa iney toos ula hadlaan diyaaradaha caalamiga ah ee dulmaraya hawadeeda,

Si kastaba ha ahaatee, xaaladdan ayaa abuuri karta qalqal weyn oo saameeya in ka badan 340 duulimaad oo maalin kasta mara hawada Soomaaliya. Shirkadaha diyaaradaha ayaa laga yaabaa inay ka fogaadaan hawada Soomaaliya, taas oo keeni karta khasaaro dhaqaale iyo mid nafeed.

Khatarta iyo Saamaynta Caalamiga ah

Haddii labada dhinac ay qaadaan tallaabooyin amni oo keena isdiiddo hawada ah, waxaa dhici karta:

•In duulimaadyada caalamiga ah ay dib uga leexdaan hawada Soomaaliya.

•In khatar amni timaaddo, taas oo horseedi karta shilal diyaarad, khasaaro hantiyeed iyo iney lunto kalsoonida caalamka ku qabo hawada soomaaliya.

•iyo in fowdadan ka dhalatay khilaaf soyaasadeedka uu sababo faragelin ka timaada hay’ada ICAO, taasoo keeni karta in maamulka hawada soomaaliya markale dib loogu celiyo gacan sedexaad si dhex dhexaad ah u maamusha,

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in sumcadda Soomaaliya ay si weyn u dhaawacanto, iyadoo mar kale loogu yeeri karo magaca “Burcad-hawada”, maadaama hore soomaalida loogu naaneysay “Burcad-badeedda”. Iyadoo laga duulayo afduubkii maraakibta xeebaha soomaaliya loogu geestay.

Arrintaasi waxay keeni doontaa hoos u dhac dhaqaale, fadeexad caalami ah, iyo dib u dhac ku yimaada kalsoonida dunida ee maamulka hawada Soomaaliya , taas oo dalka dib loogu soo celiyay kaliya dhowr sano kahor.

Baaq iyo Talo Qaran

Qubarada amniga duulimaadyada waa ayaa baaq degdeg ah u dirayo hay’adda ICAO, oo ah hay’adda caalamiga ah ee maamusha arrimaha hawada, iyagoo ka codsaday in si degdeg ah loo xaliyo khilaafka siyaasadeesan ee Hawada soomaaliya, laguna saleeyo tanaasul iyo dan qaran.

Sidoo kale, duuliyayaasha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland in ay yeeshaan heshiis ku saabsan nidaamka fiisooyinka, maadaama dowladda federaalka aysan maamulin deegaanada Somaliland.sidoo kalana somaliland aynu heysan awooda guud ee hawada soomaaliya,

Waxaana la soo jeediyay in la sameeyo nidaam fiiso oo mideysan ama wada shaqeyn ah, si loo badbaadiyo duulimaadyada, shacabka, iyo sumcadda dalka.

Dhanka kale, hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay soo rogtay xeerka e-visa iyadoo aan si buuxda u tixgelin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo saamaynta uu leeyahay khilaafkaas.

Ugudambeen,

Khilaafkaan cusub wuxuu halis weyn ku yahay nabadgelyada hawada Soomaaliya, dhaqaalaha dalka, iyo sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa loo baahan yahay in si degdeg ah loo helo xal diblomaasiyadeed iyo wada shaqeyn dhab ah oo ka timaadda labada dhinac, si looga hortago in Soomaaliya mar kale ku dhacdo xaalad “burcad-hawadeed” oo caalami ah.

Hawada soomaaliya siyaasad ma gasho,koox gaarana maleh ee halaga waantoobo ficilada guracan ee lagu la kacaayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee marna midnimo lagu baryayo marna la baadayo,