Geesiga Soomaaliga ee Aschaffenburg oo Wajahaya Masaafurin Inkastoo Abaalmarin La Gudoonsiiyey
Aschaffenburg, Germany
Ahmed Maxamed Odowaa, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo billad geesinimo lagu maamuusay kadib markii uu ka hortagay weerar toorey ah oo dhimasho sababay, ayaa wajahaya go’aan culus oo ku saabsan masaafurintiisa Germany. Kiiskiisa ayaa soo jiitay indhaha bulshada kadib markii loo arkay qof lagu abaal-mariyay hal dhinac, balse sharciga uu wajahay dhinaca kale.
Geesinimada Odowaa
Bishii Janaayo ee sanadkan, weerar toorey ah ayaa ka dhacay magaalada Aschaffenburg, halkaas oo nin hubeysan uu dhaawac iyo argagax ku riday dadka deegaanka. Ahmed Odowaa, oo goobta ku sugnaa, ayaa si geesinimo leh ugu dhaqaaqay qabashada ninka weerarka geystay. Booliska ayaa sheegay in talaabada degdegga ah ee Odowaa ay ka hortagtay khasaare intaas ka badan.
Abaalmarinta uu helay – *Christopherus Medal*, oo uu gudoonsiiyay Markus Söder, madaxwyanaha dowlad goboleedka Gobolka Bavaria – waxay calaamad u ahayd mahadcelin rasmi ah oo lagu maamuusay dedaalkiisa nafta-hurinta ah.
Dhinaca Kale ee Sheekada: Masaafurin
Inkasta oo uu helay aqoonsi heer gobol ah, maamulka gobolka Lower Franconia ayaa go’aamiyay in Odowaa la masaafuriyo. Sababaha rasmiga ah ee lagu sheegay warbixinaha dowladda waxaa ka mid ah:
Shaqo la’aan: Inuu haysto oggolaansho shaqo balse uusan shaqo helin ama cusboonaysiin codsiga shaqada. Taasoo laga yaabo deegaanka uu ku suganyahay inay sababtay
Dambiyo soo Noqnoqda**: Dembiyo hore oo dhaawacay fursadiisa deganaasho ayaa hoos u dhigtay kalsoonida lagu qabo in uu sii joogo dalkan,
Xeerarka Dublin : In Italy oo ah dal Ka tirsan midowga Yurub uu horey u siisay sharci qaxooti, sidaas darteed codsigiisa magangelyada ee Germany la diiday bishii May 2024,taasoo ah iyana mid lagu dhowrayo xeerarka u yaala Yurub,
Odowaa ayaa beeniyay eedeymahan loo soo jeediyay, isagoo sheegay in maamulka ay adeegsanayaan sabab aan sax ahayn si ay u dhaqangeliyaan masaafurintiisa.
Xaaladda Sharci ee Hadda
Kadib weerarka Aschaffenburg, Odowaa waxaa la siiyay warqadaha **Duldung**deganaansho ku meel gaar ah—maadaama uu markhaati muhiim u yahay kiiska dacwadda ka dhanka ah ninka weeraray dadka. Si kastaba, marka dacwaddaasi dhamaato, sharciga Duldung ma sii sugi doono joogitaankiisa, waa iney jirtaa sabab kale oo loo cuksan karo in Ahmed uu joogo taasoo ka dhigan shaqo inuu ka hayo dalkan ama waxbarasho, waxuna sharciga la mid dhigayaa qof kasta oo isagoo kala ah oo sharci ka haysta talyaaniga misena magengalyo waydiistay Jarmalka,
Dowladda Germany waxay kula talisay inuu si iskood ah ugu laabto Italy, halkaas oo uu deganaansho ka haysto. Waxaa sidoo kale la xusay in mustaqbalka ay u bannaan tahay inuu ku soo laabto Germany haddii uu buuxiyo shuruudaha fiisaha xirfadleyda.
Dooda Bulshada
Kiiskan wuxuu kiciyay dood kulul oo ku saabsan:
* Sida dowladda Germany u maareyso dadka shisheeyaha ah ee bulshada wax ku biiriya.
* Isku dheelitirka u dhexeeya amniga, sharciga, iyo abaalmarinta geesinimada.
* Su’aasha ah: *Geesi ma lagu abaalmariyaa billad mise masaafurin?*
Dadka dhaliilaya go’aanka ayaa sheegaya in Germany ay lumi doonto qof bulshada wax tar u leh, halka kuwa taageersan masaafurinta ay ku doodaan in sharciga uu ka sarreeyo arrimaha shakhsiyaadka.
Ahmed Maxamed Odowaa wuxuu isu muujiyay geesi badbaadiyay nolosho badan. Hase yeeshee, xaaladdan adag ee sharci ayaa hoosta ka xariiqaysa muranka u dhexeeya aqoonsiga geesinimada shakhsiga iyo fulinta siyaasadaha adag ee socdaalka. Mustaqbalka Odowaa wuxuu hadda ku xirnaanayaa hadalka ugu dambeeya ee maxkamadaha iyo diyaarintiisa inuu kusoo laabto Germany mar kale, haddii uu helayo dariiq sharci ah.
Jarmalka dad badan ayaa kasoo galay Talyaaniga oo soomaali u badan badankoodna waxa ay fursadaha joogis ka bilaabeen shaqo iyo waxbarasho kadibna codsiyadooda ayaa dib loo furay waxana inta badan ay heleen sharciyo kuwaasoo maanta nolol muuqata ka sameeyay dalka jarmalka, waxana aad u yar qof Jarmalka toos usoo galay,