April 6, 2026

Maxay u saldhigi la’adahay warfaafinta Villa soomaaliya WQ/Xasan Cade

Waxaa saldhigi la’, agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada oo mudadii uu xilka hayay madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ay soo mareen dad kala duwan.

Waxaan ku tilmaami karaa in Mas’uuliyiinta soo martay marka laga reebo C/raxmaan Xudayfi oo si KMG u hayay xilkaas in labada kale xilka lagula kufay.

Dige waxaa uu ahaa nin aan xaafiiska ka warqabin oo xitaa gabay kulamadii todobaad laha ahaa ee madaxda warfaafinta dawladdu ku kala warqaadan jireen.

Waxaa kale uu ahaa shakhsi aan xiriir la lahayn saxaafadda madaxabanaan, taas kaliya kuma ekayne waxaa uu ka dhex samaystay Cadaawad.

Inkasta oo ay cadaadis ba’an saareen qaar ka mid agaasimayaasha warfaafinta ee xiriirka dhaw la lahaa xilligaas madaxtooyada, haddana ma ahayn shakhsi xirfadiisa siyaasadeed gaari kartay in uu isbahaysi la mid ah samaysto.

Agaasimaha hadda xilka laga qaaday Maxamed Aadan Dugoow, waa shakhsigii ugu liitay ee soo mara xilka agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada, waxaa intii uu joogay uu lumiyay saaxiibo badan, waa nin xiriir dhaw iyo mid fog midna aan la lahayn madaxya waynta saxaafadeed ee dalka.

Shakhsiga xilkaan qabta, waxaa looga abaahan yahay in uu ogaado in uu yahay isku xiraha madaxtooyada iyo saxaafadda iyo suxufiyiinta, oo aanu kaliya ku koobnaanin tan xaafiiska loo dhiibay, waa in uu madaxwaynaha ka difaaci karaa cadaadisyada uga imaan kara saxaafadda madaxa banaan, xiriir iyo iskuwadna waa in uu u muujiyaa mas’uuliyiinta talefishinada, Idaacadaha iyo dadka aaladaha social media ha magaca ku leh.

Waan fahmi karaa in uu jiri karo culays agaasimaha xaafiiska uga imaanaya Protical ka madaxwaynaha iyo madaxwaynaha qudhiisa, balse waa in uu leeyahay karti iyo xirfad sare oo uu arrimahaas uga dabaalan karo.

C/casiis Golf yare, waa xiriif saxaafadeed oo waayahaan u badnaa dhinaca mucaaradka, balse uma malaynayo in uu wax badan ka badali karayo dhaqanka sadex sano iyo bar jirsaday ee ka taagnaa Xaafiiska loo dhiibay ee warfaafinta Madaxtooyada.

Uma malaynayo in uu waqti badan siin doono joogitaanka xaafiiska, sidoo kalena uu leeyahay xirfad uu isugu wadi karo madaxya waynta saxaafadda iyo kuwa la mid ka ah.

Xaafiisku ma helay shakhsigii ku haboonaa, waa calaamatu su’aal wali taagan, balse qof kasta oo xilkaas qabta waxaa la aaminsan yahay in uu cadaw badan yeesho oo waliba u badan gudaha madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in Golf yare uu baaritaan ku sameeyo halka uu ka dhaqaaqi la’yaay xaafiiska iyo hadii ay jirtay xirfad la’aan haysatay ragii uga horeeyay xaafiiska ama ciladdu uga imaanaysay dhanka madaxtooyada.