Howlgal ballaaran oo socdaal ah ayaa lagu wado gobolka Minnesota, iyadoo Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS) ay ku dartay kumanaan saraakiil ah magaalada Minneapolis–St. Paul si ay u fuliyaan hawlgallo xaqiijin iyo fulin sharciyeed. Tani waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah howlgalada ugu waa weyn ee immigration enforcement mar walba oo gobolka ka dhacay. 
Ujeedada howlgalka guud ahaan waa in la baaro, lana xaqiijiyo sax ahaanshaha dadka ku nool dalka, kuwa haysta dukumentiyada sida Green Card iyo kuwa leh diiwaangelinno sida A‑94, si loo hubiyo in shuruucda la raacayo. Dhanka kale, howlgallada qaar waxaa lagu sheegay in la baari doono arrimaha la xiriira eedeymo la xiriira fraud/shaqo been abuur ah iyo xaaladaha sharci ee ku saabsan soo galootiga. 
Saameynta Soomaalida iyo Bulshooyinka Kale ee Minnesota degen,
Warbixinaha qaar waxay sheegeen in howlgalada ay saameyn ku yeelanayaan bulshooyinka soomaalida Minnesota ku nool, gaar ahaan kuwa leh Green Card iyo sharciyo kale oo deganaansho. Dad ka mid ah bulshada ayaa laga soo saaray guryahooda ama laga qabtay wadooyinka si su’aalo sharci lagu weydiiyo xaaladdooda, taas oo keentay welwel bulsho. Warbixinno goobjoog ah ayaa sheegay in qaar la geeyay gobollada kale si dib loogu baaro xaaladdooda sharci, inkastoo aan la xaqiijin tiro rasmi ah hadana waxa la soo warinaya in gabar soomaaliyeed sharciga haysata Laga qabtay dukaan loona qaaday Taxes halka oo suaalo ku waysiinayaan saraakiisha,
Waxaa sidoo kale la diiwaan geliyay mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay Minneapolis iyo magaalooyin kale kadib dhacdooyin la xiriira howlgalada, taasoo muujinaysa sida arrintani u tahay mid saameyn weyn ku leh bulshada degan gobolka Minnesota,
Doodda Siyaasadeed iyo Cadaadiska Bulshada
Howlgalada socdaalka ee Minnesota ayaa sidoo kale noqday arrin siyaasadeed oo kulul:
•Mas’uuliyiinta gobolka ayaa ka cabanaya habka iyo saamaynta howlgalka.
•Xildhibaano ayaa isku dayay inay booqdaan xarumaha ICE ee gobolka balse waxaa laga hor istaagay, taasoo sii hurisay muranka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo hogaamiyeyaasha deegaanka. 
Dhanka kale, falcelin xooggan ayaa ka imaaneysa kooxo bulshada rayidka ah ah iyo ururo, kuwaas oo dalbanaya xisaabtamin iyo dib u eegis ku saabsan habraacyada ciidamada socdaalka. 
Sharaxaad Kooban
• Howlgalada hore ee Minnesota waxaa ka mid ahaa hawlgallo sida “Operation Twin Shield” oo diiradda saaray baaritaanada iyo hubinta sharciga, iyo “Operation Metro Surge” oo ahayd mid ka mid ah howlgalada ugu waaweyn ee ICE ee gobolka. 
• Waxaa jiray warar sheegaya in diiwaangelinta dadka sharci ahaan lasoo baarayo, oo ay ku jiraan arrimaha la xiriira kiisaaka qaxootinimo.