Mohamed Abdilaahi oo ah orodyahan soomaali-Deutsch sanadii 1999 ku dhashay dalkan ayaa Rikoor cusub dhigay asbuucii lasoo dhaafay, kadib markii kaalinta afaraad 4-aad ka galay tartankii caalamiga ahaa 5000 Mitir ee lagu qabtay dalka Monaco.
Mohamed A. oo in mudo ah matalayay qaranka jarmalka ka tirsanyahay Orodyahanadooda ugu Dheereeya dalkan ayaa kaalinta afaraad ku gaaray 12:53 , mudo 63 daqiiqo ah uu ordayay (12 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi ) taasoo iyana ka dhigeysa in uu yahay orodyahanka ugu dhaqsiyaha badan dalka jarmalka,
Tartankii Monoco ka dhacay Mohamed waxa uu kasoo hoyiyey laba guul oo muuqata taasoo kala ah in uu kusoo baxay kaalinta afaraad 4-aad ee tartanka sidoo kalena uu jabiyey Rikoor 28 sano kahor la dhigay dalka jarmalka, kaasoo ahaa Orodyahan Jarmal ah sanadii 1997-dii ku orday 12 daqiiqo 54 ilbiriqsi orodkan 5000 kun ah,
Mohamed oo sheegey in farxad la ilmeen gaaray ayaa warbaahinta ku yiri “ilmo ayaa iga iman gaartay farxad darteee, sababtoo ah mudo3 sano ah ayaana isku deyayey sidaan u jabin lahaa rikoorkan”.
Guusha Maxamed ayaa aad looga soo dhoweeyay dalkan jarmalka oo ay warbaahintiisa aad u hadalheysa sidoo kalana soomaalida ku dhaqan dalkan ayaa iyagana aad ugu farxay sida mohamed uu usoo bandhigey natiijada wanaagsan ee Orodka caalamiga ah kaga qayb galay Manoco,
Ruweyda
Oktoober24