Deg Deg
RW Hamza ayaa iska xaliyay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay marka laga reebo xildhibaanka Cadaado oo dhegaha laga fureystay buuqiisa, kaasoo buul looga dhigey gurigiisa oo ay xildhibaanadu faarujiyeen,
Villa soomaaliya oo sanduuqeeda gaarka ah u furtay RW Hamza ayaa si hagar la’aan ah mooshinkaasi ku damisay malaayiin doolar ah, Guryo iyo dhul Dan-guud, iyagoo xildhibaanadaasina hishiis balan ah la galay hogaamiyaha xakuumada oo in mudo ah ka walwalsanaa ridis degdeg ah,
Qaar kamida Xildhibaanda dfs ee cash ka gacanta ku dhigey ayaa iyagana laga soo warinayaa u baqooleen dhankaa iyo magaalada Nairobi dalka kenya oo %5 sare u kac laga soo warinayao qiima kala iibsiga guryaha Apartments ka,
Qurba joogta soomaaliyeed iyo ganacsatada guryaha ku leh kenya oo mudooyinkan ba ka cabanayay suuq xumada xoogan we ka heysatay iibinta iyo dib- isaga iibinta Apartment ay dhisteen sanado kahor ayaa iyagana farxad iyo rayn rayn dareemaya, waxa ayna ka faa’iideysanayaan fursadaha lacagaha xoogan ee soo gashey dalka kenya ,
Dadka ka faallooda qulqulka dhaqaalaha aan sharciga eheen ee dalalka geeska iyo suuqa shirkadaha dhismaha guryaha ayaa sheegey in dhaqaalahan xoogan %99.6 yahay mid ka yimid gudaha soomaaliya ee kasoo ah dhaqaalahii dowlada soomaaliya kaga soo xarooday dhulka Hantida guud ee dowladu dhowaan xaraashtay iyadoo aan habraac sharciya iibka iyo mid maaliyadeed loo marin ayuu hadana dalka kasoo baxay,
Tooshka Oktoober