April 7, 2026

Moqokori Qarax xoogan ayaa lagu beegsaday goob ….

Hiiraan 07.07.2025, Qaxa xoogan ayaa ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday goob ey ku sugnaayeen ciidan kamida Macawisleyda hiiraan iyo dad shacaba ah,

Qaraxan oo ah midey soo abaabuuleen kooxda khawaarijta ayaa geestey qasaaro xoogan iyadoo xogtu sheegeyso dadkii halkaa ku geeriyooday uu kamid ahaa Ganacsade Mowliid Banjar oo aad looga yiqiiney gobolka Hiiraan,

Ilo xog ogaala ayaa sheegaya in qaraxani ula jeedkiisu ahaa beegsiga ganacsade Marxuum Mawliid oo ahaa ganacsade keena khaatka gobolka Hiiraan, kaasoo taageero xoogan in mudo ah la daba-taagnaa ciidanka Mawisleyda xaq u dirirka gobolka Hiiraan, hasse yeeshee maanta ayay khawaarijtu dhagreen ganacsada iyo dad badan oo reer hiiraan ah,

Saraakiisha Macawisleyda Hiiraan shaki xoogan ayay ka muujiyeen sida loo soo abaabulay qarax lagu soo xirey gaariga ee magaalada dhexdeeda dhibaato ka geystey iyadoo furimaha fooljignaan xoogani ka sameeyeen, waxana la tuhumayaa in magaalada dhexdeeda lagu diyaariyay qaraxan,

Dhinaca kale macawisleyda reer Hiiraan ayaa heegan buuxa la geliyay maadaama khawaarijta in mudo ah isku soo ururiyeen meelo aan ka fogeen degmada difaac uga jiraan suurtagel na tahay duulaan soo raaciyaan qaraxa dhacay,

Oktoober