Dhowaan Magaalada Muqdisho ayaa lagu dhawaaqay Xisbiga XAQSOOR Party oo kamid noqday xisbiyada siyaasada dalka ee diiwaangashan , boqolaal qofood ka kala yimid gobolada dalka ayaa aragti iyo tallo mideysan ku aasaasay Xisbiga XAQSOOR oo mudo sanad ah waqti iyo Maskaxba gelinayeen,
Gundhiga Xisbiga ayaa kusoo bilowday qabashada kulama kala duwan tallo ururin la la yeeshey qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed , gaar ahaan Aqoonyahanada, ururada bulshada Rayidka, Ganacsatada, Dhalinyarada, Ardayda jaamacadaha , iyo Haweenka soomaaliyeed,
kadib shir sadex maalmood magaalada Muqdisho ku yeeshey Xisbiga Xaqsoor ayuu ku dhisay gollayaashiisa kala duwan iyadoo hogaamiyaha Iyo gudoomiyaha Xisbiga loo doortay Abdirhaman Yusuf Aynte oo kamida asaasayaasha xisbiga, sidoo kalena xisbigu isagoo fulinaya xeerarkiisa waxa uu dardar geliyay diiwaangelinta xubnaha gollaha sare iyo xubnaha xisbiga kamid noqonayo oo weli ka sococanayso meelo kala duwan dalka kamida,
Maanta oo Tallaada ah taariikduna ku beegan tahay 15 luulyo 2025 Xisbiga XAQSOOR waxa uu muqdisho ku qabanayaa xafladiisa Daah-furka Xisbiga XAQSOOR, Hotel Afrik ayaana ah halka isugu keenayaan martida kasoo qayb galeysa maalinka muhiimka u ah Xisbiga iyo Taageerayaashiisa,
Hadaba XISBIGA XAQSOOR muxu kaga duwan yahay xisbiyada kale ?
Xasbiga Xaqsoor wuxuu uga duwan yahay xisbiyada kale:
• Inuusan aheyn xisbi lagu dul-dhisay qof ama koox yar, balse yahay mid ay 100 qof oo aasaasayaal ah oo ka kala yimid gobollada dalka oo dhan isla dhisteen
• In hoggaanka xisbiga ay ku jiraan masuuliyiin xilal waaweyn dalka kasoo qabtay oo sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada iyo dhallinyaro karti iyo aqoon leh
• In cududda ugu weyn ee xisbigu ay tahay dhallinyarada Soomaaliyeed oo si mug iyo miisaan leh uga dhex muuqda guud ahaan golayaasha xisbiga
• Inuu yahay xisbi soo bandhigay mabaadi’i iyo qaddiyado waaweyn oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyadda *caddaaladda* iyo xaqsiinta muwaadinka
• Inuu xisbigu u taagan yahay in *isbeddel dhammeystiran (Transformation)* lagu sameeyo habdhaqanka iyo heykalka dowladnimada Soomaaliya, si loo badbaadiyo Jamhuuriyadda Saddexaad ee qarka u saaran iney burburto.
• Xisbiga Xaqsoor waxaa loo dhisay in dalka laga qabto xoogagga *xaqboobka, xilboobka iyo xoolaboobka* wuxuuna u taagan yahay *xaqsiinta muwaadinka iyo xilkasnimo qaran*
• Inuu xisbigu yahay mid loo dhisay inuu muddo dheer jiro, oo uusan aheyn mid loo yagleelay hal xilli doorasho