April 6, 2026

Mungaab shaqada la hakiyay ayaa Baraha Bulshada ku weeraraya MW Xasan sheekh

Gudoomiye Muungaab awoodiisa la dhimay ayaa weerar social media ku qaaday madaxweyne xasan Sheekh,!
[ waa saqiiray Muungaab haku shakiyin]
Madaxwyenaha Jamhuuriyada Mudane Xasan Sheekh ayaa awood dhimis ku sameeyay howl maalmeedka Gudoomiye gobolka Banadir Mudane Muungaab kadib markii lagu soo eedeeyay ku takrifal awoodeed iyo musuq maasuq dhaqaale leexsi,
Taa ayaana sababtay in Gudoomiye muungaab baraha bulshada ka bilaabo olle lagu weerarayo mw xasan sheekh iyo dowladiisa iyadoona lagu amaanayo cunaqabateeentii dhaqaale uu ku sameeyay shaqsiyaadka oday&dhalinyaro ee madaxweynaha iyo dowladiisa ku difaaci jirey warbaahinta iyo maqaayadaha ee mushaaradka joogtada ka qaadan jirey gobolka,
Labadii jeer ee dhowaan kulmeen madaxweynaha jamhuuriyada iyo gudoomiyaha gobolka waxa looga hadlay ku takrifalka awooda iyo carcarta in uu joojiyo gudoomiye muungaab, kana baaqsado beegsiga dhalinyarada xisbiga cadaaladda iyo wadajirka ee uu hogaamiyo madaxweynaha,
Hasse yeeshee, gudoomiye muungaab oo ku socda tallada shaqsiyaad gaara soo siiyeen ee ah “ Gudoomiye kursigan ku waari-meyside waqtigaaga kaga faa’ideyso oo dhaqaale ka qaad, iskana dhis social media “ taa ayaa guudoomiye muungaab ka dhigtay mid soo koobtay cimrigiisa hogaanka gobolka isagoona kusoo urururay kacdoon social media looga amaanayo muungaab oo aan wax warqada qori karin maanta kadib,
Bil iyo bar kahor, Gollaha dhexe ee xisbiga cadaaladda ayaa cabasho rasmiya u diray madaxweynaha jamhuriyada oo looga digayay, ku takrifal awooda iyo ku tumasho dhaqaale ee uu gobolka ka wado muungaab, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha in la is dhaafiyo ninkaa kahor intaanu xoogeysan qatartiisaka dhanka ah dowladnimada uu hogaaminayo xisbiga,
Qodobada lagu soo eedeeyay muungaab:
-waxa uu beegsaday dhalinyarada xisbiga caddaalada oo uu gudoomiye iyo agaasime kasoo raafay gobolka Banadir iyo degmooyinka,
-Waxa uu muusharka ka goostay boqolaal shaqaale dowlada hoose ee xamar isagoona qortay shaqsiyaad isaga baraha bulshada ku amaana,
-waxa uu mushaaraadka ka jartay dhamaan oday dhaqameed, afmaal iyo dhalinyarada social media ku difaacayay dowlada xasan sheekh ee banaadir lagu soo koobay ,
-Ganacsiga Gobolka ayuu kusoo rogay dhaqaale ururin qasab, taasoo ku dhaceysa sanduuq isaga u gaar ah, waxa uuna xoog/qori caaradii u adeegsaday ganacsatada gobolka Banadir,
-waxa uu dhistay warbaahin isaga u gaar ah iyo koox social media ku difaacda balsa dhaliisha/caysa madaxweynaha jamhuuriyada iyo xakuumada faderaalka,
•Xisbiga madaxweynaha oo fahmay in muungaab uu dhaawacayo sumcadda dowlada mw xasan Sheekh ayaa dhinac kale ka tusey madaxweynaha iyagoona u xaqiijiyay, caqabadaha uu abuuray muungaab ee ah bulsho, dhaqan, dhalinyaro iyo ganacsato ridi karaan dowkadaada , inta goori goor tahay iska gaaro madaxweyene xasan ayaa lagu siiyay tallo,
Muungaab ayaa la amray inaanu wax warqada soo saari karin maanta kadib, sidoo kalana dhaq dhaqaaqiisa waa la xadiday, waxa uuna xaqiiqsaday gudoomiyuhu in waqtigiisa dhamaaday,
Iyadoo uu qalqal ka muuqdo ayuu baraha bulshada ka bilaabay is amaan iyo weerar Isla socda, xalay ilaa iyo saakay Baara hada bulshada ayaa lagu arkayay dhalinyaro xanuunkisa la dareemeysa oo qaylinaya sidoo kalana caayeysa madaxwyanaha waxa ayna lahaayeen “ muungaab waa dadaalayaa laakin hal midaa jirto lacag ma siinayo oday iyo afmaal mw xasan Sheekh amaanaya “ oraahdaa ayaana cadeyneysa muungaab iyo kuwii uu mushaarka u qoray in daadku qaaday,