April 5, 2026

Munich-Germany ayaa lagu qabtay Munaasabada Buuga Cusub ee Dareen Iyo Naf Barasho

Magaalada München ee dalka Jarmalka ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu baal-furayay buug cusub oo cinwaankiisu yahay “Dareen iyo Naf Barasho”, kaas oo uu qoray aqoonyahan Taliil Colaad Xasan, oo ah xeeldheere muddo dheer ka soo shaqeynayay xarumaha caafimaadka iyo hay’adaha ku takhasusay cilmi-nafsiga.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne kala duwan oo ka kala yimid magaalada München iyo gobollo kale oo dalka Jarmalka ah, kuwaas oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa kalmado kooban ka jeediyay aqoonyahanno, culimo, masuuliyiin ka socday jaaliyadaha magaalada, iyo dhalinyaro. Qoraaga buugga, aqoonyahan Taliil Colaad Xasan, ayaa munaasabadda ku furay hadal kooban, isagoo ka hadlay ujeeddada buugga iyo muhiimadda uu u leeyahay fahamka nafta iyo barashada dareennada kala duwan ee bini’aadamka. Waxa uu sidoo kale sharaxaad guud ka bixiyay qodobada ugu muhiimsan ee buuggu xambaarsan yahay.

Wasiirkii hore ee Caddaaladda Dowladda Soomaaliya, ahna maamulaha Masjidka Soomaalida München, Sheekh Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax (Janaqoow), ayaa uga mahadceliyay qoraaga dadaalka uu geliyay qorista buuggan, isagoo xusay in buuggu si qoto dheer uga hadlayo cilmi-nafsiga, isla markaana uu tilmaamay sida diinta Islaamku muhiimad weyn u siisay fahamka nafta aadanaha.

Sidoo kale, Sheekh Xuseen Siyaad, oo ka tirsan maamulka Masjidka iyo Jaaliyadda Somalische Gemeinde München, ayaa sheegay in buuggu yahay mid dhaxalgal ah, isagoo intaas ku daray in jaaliyaddu diyaar u tahay taageeridda aqoonta iyo arrimaha la midka ah.

Maamullada jaaliyadaha kala duwan iyo dhalinyarada ka soo qaybgalay munaasabadda ayaa iyaguna ka hadlay aragtidooda ku aaddan buugga “Dareen iyo Naf Barasho”, iyagoo muujiyay sida uu muhiim ugu yahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka fahamka nafta iyo caafimaadka maskaxda.

Qeybaha dambe ee munaasabadda, qoraaga buugga ayaa saxiixay nuqullo ka mid ah buugga, waxaana si weyn u qaatay dadkii ka soo qaybgalay.

Qaar ka mid ah dadweynihii goobta joogay ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan buuggan cusub, iyagoo xusay in uu yahay buuggii cilmi-nafsiyeed ee ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay gacanta ku dhigaan, isla markaana baahi weyn u qaba bulshada Soomaaliyeed.

Gebagebadii, qoraaga buugga Taliil Colaad Xasan iyo guddiga qaban-qaabada munaasabadda ayaa si diirran ugu mahadceliyay wariye Maxamed Cabdiraxmaan Abuuja, oo munaasabadda si xirfad sare leh u xiriiriyay, iyadoo masuuliyiinta iyo bulshada ka soo qaybgalay ay si weyn u soo dhaweeyeen hal-abuurka iyo xirfadda uu ku qurxiyay munaasabadda baal-furka buugga “Dareen iyo Naf Barasho” ee ka dhacday magaalada München.