Xarfaantan afsoomaali ayaa lacag looga qaatay,
Visa soo saaris
Visa verification
Visaha cargo lasoo saarayo
Ticket jaris
Ticket Cargo lasoo saarayo
Visa transit ,
Gurigiisa ayuu laptop internet gashtay GOOGLE search , photoshop, printer iyo Eimal magac kale ah ayuu u sameestay, tartiib ayuu u maraqaamay iyagana biilka ayay bixinaayeen weliba kumanaan doolar ah,
Soomaaliya dadka jooga afsoomaali ayaad ku kun doolar uga qaadi kartaa halka qofka yurub jooga 1 hal doolar ku adagtahay iska bixiyo, $50 deyn ah marka gaartana warqado ayaa la kala qortaa,
Maxkamada qudheeda qofkaan inuu dambiile yahay uma haysto oo wuu Afsoomaaliyeeyay, email yaa diray aniga, visaha yaa soo diray aniga, hadana caawinaad ayaan u shaqeenayay ayuu yiri,
Dadka shacabka ee daawaday comment ka qoreen waxay kuleeyihiin wa nin waxbartay 😂 in visa been abuur ah la sameeyo aqoon uma baahna oo haday aqoon jirto visaha ayaa shaqeen lahaa, si kale hadaan u dhigo visa google ku jira sawirkaaga iyo magaacada hadaan soo saaro aqoonyahan miyaan noqon doonaa iyo nin waxbartay, taas qof kasta ayaa sameen karee,
Kuwa u turuufeeyay ee dacwada u hesyta waxa kabadan kuwa aaminay ee maxkamada ka daawaday, hadii lasoo deeyo xitaa kuwa kale ayaa u dhibanayo lacag, sababtuna waa dadka aan waxba garan karin ee been abuurka la sameen karo aanu u qiyaasneen, kuwa afsoomaali looga sheekeen karo visa Schengen ayaa 79 dal lagu galaa, iyo visa ayaa lasoo saari cargo, iyo weliba tahriiba aad loogu qulqulaayo ayaa is biiraaday,
Xalka, wacyigelin dadka dhibaatada ku dhacday warbaahinta laga wareesto sida loo dhacay oo ay dadka uga Waramaan, dowlada oo xirxirta tuugada afsoomaaliga, iyo baarayaasha iyo saraakiisha laga dhigo update kuwa ah ayaa looga hortagi karaaa halistan cusub,
Soomaalida weli waxay aminsanyihiin viso ayaa kumanaan doolar lagu soo saaraa,Aduunka viiso caadi ah oo 200 la isaga qaado waa yartahay waana dalal horumaray iyo adigoo ka dhoofaya dal kale dhaqaale leh africa maxa ka dhigay meel dadkeedu aaminaan caqligaas,
Oktoobwr24