April 6, 2026

Muqdisho oo si weyn loogu xusay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed – 21-ka Nofeembar

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 Nofeembar, magaalada Muqdisho ayaa si ballaaran oo maqaam sare leh looga xusay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, oo ku beegan 21-ka Nofeembar. Munaasabaddan taariikhiga ah ayaa lagu qabtay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaas oo ay isugu tageen ku dhowaad 50,000 oo arday oo ka kala yimid iskuullada caasimadda.

Munaasabadda oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha waxbarashada ayaa diiradda lagu saaray dhiirrigelinta macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda qiimaha macallinka, iyo muujinta door muhiimka ah ee ay u leeyihiin mustaqbalka jiilka cusub.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan labada gole dowladeed, ayaa kasoo qeybgalay munaasabadda. Halkaas waxaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin lagu maamusayo macallimiin iyo masuuliyiin ku suntan horumarinta waxbarashada dalka. Sidoo kale, madasha waxaa laga jeediyay khudbado dhiirrigelin ah iyo ballanqaadyo la xiriira taageeridda waxbarashada iyo daryeelka macallimiinta.

Ardayda ka qeyb gashay munaasabadda ayaa si qurux badan u buuxdhaafiyay garoonka, iyagoo soo bandhigay isku duubni, nidaam iyo edeb heer sare ah. Labbiskooda bilicda leh, ubaxyada ay siteen iyo astaamaha ay daabaceen ayaa ka dhigay muuqaalka garoonka mid si weyn u soo jiita indhaha.

Xuskan ballaaran ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo bahda waxbarashada. Waxaana uu astaan u yahay dib u soo kabashada dalka, xoojinta kalsoonida bulshada, iyo muujinta muhiimadda ay macallimiintu ku leeyihiin dhismaha qaran mustaqbal leh. Tani waxay sidoo kale tahay markii labaad ee burburka dalka kadib si heerkan u weyn loo qabto Munaasabadda Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed.