April 6, 2026

Musuq Baahsan oo Lagula Beegsanayo Dhaqaatiirta: Agaasimaha UniversalTV oo Lagu Eedeeyay

Xoghayahii hore ee Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka, oo maxkamadda sare si sharci ah uga laashay xilka, ayaa weli lagu eedeeynayaa inuu ku dhex milmay dhaqaale ururin qasab ah oo uu ka wado xarumaha caafimaadka, isaga oo adeegsanaya ciidan gaar ah oo ku labisan darees dowladeed — inkasta oo aanu maanta haysan wax awood maamul ama sharci ah.

Sedexdii bilood ee lasoo dhaafay, xoghayaha la eryay iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa isku khilaafsan qaadista lacago loo arko musuq, kuwaas oo si joogto ah looga ururiyay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho. Ku dhowaad 7,000 oo dhaqaatiir ah ayaa lagu qasbay inay bixiyaan $300 loogu sameeyo kaar aqoonsi 🆔, lacagtaasina waxay ku dhacday akoono gaar loo leeyahay oo ay gacanta ku hayaan agaasimihii hore ee Isbitaalka Banaadir iyo xubno la shaqeeya.

Gobolka oo dhan waxaa ka howlgala ilaa 10,000 dhaqaatiir, waxaana xarumihii caafimaadka laga dalbaday in ay dhaqaatiirta ka jaraan lacagta $300 si loogu sameeyo aqoonsiga cusub — iyadoo lacagtaasi ka baxsan tahay $500 oo isla guddigan si sharci darro ah hore uga qaaday xarumaha si loogu soo saaro “shahaado” aan ku xirnayn shatiyada wasaaradda caafimaadka, wasaaradda ganacsiga, ama dowlada hoose ee Muqdisho.

Intaas waxaa sii dheer in isbitaallada intooda badan ay hore u bixiyeen cashuurihii rasmiga ahaa ee dowladda, taasoo ka dhigaysa lacag ururinta cusub mid aan sharci, hufnaan ama nidaam lahayn; halka xarunta Isbitaalka Banaadir lagu eedeeyay inay noqotay saldhigga ugu weyn ee dhaqaale ururinta lagu muransan yahay.

Gudiyada Maaliyadda, Shaqaalaha iyo Garsoorka ee Baarlamaanka ayaa la filayaa inay u yeeraan wasiirka caafimaadka iyo xubnaha guddigan, si loo baaro eedaha ah in malaayiin dollar lagu ururiyay Isbitaalka Banaadir iyadoo aan wax sharciyad dhaqaale ururin ah la haysan.

Arrintu waxay noqotay mid kusoo kordhisay walaac ku saabsan hufnaanta nidaamka caafimaadka, isla xisaabtanka hay’adaha, iyo awood sheegashada shaqsiyaad laga qaaday xilka balse wali isticmaalaya muuqaal dowladeed.

Ganacsatada caafimaadka ayaa Agaasimaha Telefishinka UniversalTV, Abdulahi Xirsi, ku eedeeyay inuu qayb ka yahay musuqmaasuq baahsan oo lagu beegsanayo dhaqaatiirta gobolka. Baaritaano hoose ayaa lagu ogaaday in xoghaye hore oo aan u hogaansamin go’aankii maxkamadda uu lacago musuqa ah ku siiyay warbaahinta UniversalTV, gaar ahaan Agaasime Abdulahi Xirsi, oo uu uga iibsaday gaari bulletproof iyo gunooyin afjoojin ah.