April 7, 2026

Musuqa hay’adda Immegration soomaaliya iyo dhaca IMO mushaarka..

Wax badan Ogoow,

Maxaa looga saaray bogga Immegration soomaaliya baafintii shaqaalaha la qadaan rabay ?

Maxaa loo soo daabacay shaqooyinkan?

Yaa ka shaqeen jirey?

Mushaarka waa imisa yaaba bixin jirey?

Digniinta Hay’adda IMO ta maxay tahay ?

Saacado kahor ayaa bogga Immegration soomaaliya lasoo dhigay baafin hay’addu ku dalbaneyso shaqaale buuxiya booska la-taliye xafiiska arimaha shaqalaha iyo tababarada iyo la taliye sare dhanka Tiknooloiiyada, kadib dhaliil xoogan oo ay comments uga falceliyeen shacabka iyo qaar badan kamida shaqaalaha hay’adda ee aan dhoor bilood mushaar la siin ayaa sababtay in Laga saaro baafintaas shaqada kumaanka kun mushaarkeedu yahay,

Faahfaahin boosaskan la baafinayo:

•Midka koowaad ee la taliyaha HRM ka wuu iska tagay shaqada kadib culees xoogan soo saareen saraakiisha ka sareysa oo booska shaqada ka eryanayay,

•Midka labaad ee la taliyaha ICT -da sida la ii xaqiijiyay waa uu geeriyoday Aun kadib xanuun soo dhul dhigay,

Hadaba labadan boos shaqo ee muhiimka ah dhaqaale ahaan agaasimaha markaa jooga hay’adda ayaa dan dhaqaale ku qaba, sababtoo ah mushaarka shaqadan lagu qaato ayaa ah 4k ilaa iyo 5K doolaar, waxana toos u bixisa hay’adda IMO aduunka, waxana loo xushaa qof magac uyaal ah oo la siin doono 1000-800 doolar inta kalana waa la leexsadaa, sida hore loo arkay,

Maadaama laba shaqsi ee booskan ku qornaa faarujiyeen Shaqada hay’adda IMO- joojisey mushaar bixinta, si loo sii qaato mushaaraadkaas waalida ah waxa loo baahan yahay shaqaale loo helo boosaskan sidoo kalena daah-furnaan loo muujiyo IMO habka loo marayo shaqaale qaadashadan waxa ay xiiso u yeeleysa in hay’adda mushaarkaa dib loogu bilaabo, [ xasuusin dadka la qaatay iyo kuwa loo qaato midkoodna ma buuxin shuruudaha aqoontaas, dib uraac dhamaan la-taliyayaasha mushaariga ka ah ] baarintaan kale ayaan kusoo bandhigi doonaa magacyada , aqoontooda iyo sida mushaaradka looga jarto ku-magacaabanayaasha ah,

isku soo-wada duub, falcelintii maanta ka dhacday boga Immegration soomaaliya waxa u sabab ah in hay’adda socdaalka aanu bixin mudo bixin mushaaraadka shaqaalaha hoose ee 200/400 doolar ka qaadan jirey hay’addan oo dhaqaale xumi iyo musuq wajahaysa,

Sidoo kale shaqaalaha mushaarka saxda loo siin jirin in mudo ah ayaa ahaa 300 shaqaale hoose hada 100 shaqaale dheeri ah ayuu kusoo daray agaasimaha waana 400 shaqaale qoran oo aan mushaar qaadan bilahii lasoo dhaafay,

Ugudmabeen, hay,adda socdaalka soomaaliya waxa ay baafineysaa shaqaaleynta la taliye 4kun ama 5kun qaadanaya, waxa ayna mushaar siin la’adahay 400 shaqaale wax soosaarka hay’adda ahaa ee ka adeegayay xafiisyada kala duwan ee hay, adda socdaalka in jinsiyadaha soomaaliya,

Hay,adda socdaalka shaqaalaheeda guud waa waxa uu kusii dhow yahay 1500 qofood shaqaale ah, kala bar shaqaalahaasi aktive ma ahan kama howlgalaan xafiisyo waa shaqsiyaad loo qoray Xildhibaan, wasiir, siyaasi iyo madaxda warbaahinta madaxa banaan oo uu agaasime kasta isaga laaluusho,

Bank aduunka, IMF, IMO, xafiiska madaxweynaha,Xafiiska Raisul wasaaraha, wasiirka maaliyada, musuqaan dalka yaan lagu fiirsan ee halaga hortago,

 

khadafi

Oktoober24