April 7, 2026

Muungaab oo Mushaarkii shaqaalaha dowlada u Warerjiyay Dhalinyarada Social Media ka difaaca

Cabasho xoogan ayaa kasoo yeereysa shaqalaaha gobolka Banadir kadib markii Gudoomiye Muungaab ka goostay kala bar mushaarka dhamaan shaqaalaha gobolka,

Ilo xog ogaala ayaa inoo sheegey Gudoomiye Muungaab amray xafiiska mushaaradka,in qof kasta ee shaqaale ah la siiyo kala bar mushaarkiisii caadiga ahaa ee u qornaa, Ku dhowaad 900 boqol qof shaqaale ka ahaa gobolka isuguna jira masuuliyiin xafiisyo sare iyo shaqaale hoose ayaa maanta loo direy mushaar kala dhiman, qaar badan la hadalney waxa ay inoo xaqiijiyeen inaan loo sheegin sababta mushaarka loo dhimay, “Ma jirin wargelin inooga timid xafiiska gudoomiyaha iyo kan maaliyada intaba,maanta ayaan ka war helnay arinkan aniga iyo agaasimaha xafiiskeeena “ ayuu yiri mid kamida shaqaalaha gobolka tobankii sano ee ugu dambeeyay ka adeegyaya xafiisyadaasi,

Shaqaalaha lacagaha laga jartay ayaa isugu jira kuwa sare iyo hoose, qofka $800 mushaarkiisu ahaa €400 ayaa maanta usoo dhacday, kii $400 ku shaqeenayay $200 ayuu saakay arkay, halka kuwii $200 ku shaqeenayay anan loo dirin wax mushaar ah,

Cabashadan mushaar goosiga ah oo dad Badan social Media kaga hadleen ayaa dhalisay dood bulshada dhexeeda ah, isla durbaadiina waxa soo hadlay shaqsiyaad baraha bulshada caan ka ah, kuwaasoo difaacyay go’aankan Muungaab ku goostay mushaarka shaqaalaha gobolka , dadkaasi waxa ay difaacayaan Muungaab iyagoo iska dhigaya dhexdhedaad, hasse yeeshee Muungaab iyo maamulkiisaba kama hadlin dhacdan wayn ee mushaar dhimista,

kadib Magacaabistii Gobolka Gudoomiye Muungaab waxa uu soo dhoweestay saaxafada iyo Dhalinyarada social media ku xoogan, Wariye Xuseen Cabdule oo aad u dhaliili jirey gudoomiye hore Maxamed Amiir, dhiiqada iyo xoolaha jiifa wadooyinka kusoo dhajinyay gudoomiyaha ayuu u magacaawbay agaasimaha warfaafinta gobolka, Durbadiiba Xuseen waxa uu bilaabay amaan iyo soo gudbinta muuqaalo qurxan kuwaasoo lagu muujinayo wax-qabadka Muungaab oo jooga wax kayar hal bil,

Asbuucii hore gudoomiye muungaab waxa uu isugu yeeray Dhalinyarada social media ugu shacbiyada badan gaar ahaan kuwa ka hadla arimaha siyaadada iyo dhacdooyinka gobolka, halkaas waxa lagu galay hishiis wada-shaqeyn ( difaaca eedaha iyo buunbuuniska Muungaab) iyadoo Gudoomiye Muungaab uu ballanqaqday mushaar joogta ah $15,000 qofkiiba lagu sheegay,

Shaqsiyaadkan loo qoray mushaaraadka laga soo jaray shaqaalaha dowlada ayaa caawa bilaabay difaaca lunsiga lacagta shaqaalaha gobolka laga reebtay iyagoona ku sheegey in mushaar ka dadka laga jaray yihiin qurba joog iyo dad aan shaqaale eheen,Sidoo kale shaqsiyaadkan mushaariga ah waxa ay ku shegeen Lacagaha la jartay in lagu dhisi doono wadooyinka gobolka banaadir ee burbursan, waxayna ku tilmaameen shaqo horumar u ah gobolka oo uu gudoomiye muungaab sameenayo,( mushaaradka la dhimay),

Muungaab in uu mushaaraadkan leexsan doono waxa lagu ogaaday saakay ayay ragani social media ka hadla bilaabeen soo bandhida dhismo ka bilowdey soobe hasse yeeshee caawa ayaa la ogaaday in ey eheed war war ku dil, shaqaalaha dowladuna muungaab waa yaqaaniin mudo xileedkiisii hore iyadoo mushaaraadka sagaal bilood lagu leeyahay ayuu lugta furay, Abdigafaar kamida shaqalahii hore gobolka ayaa sidaa yiri,

Oktoober24